Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Somaliland oo Ka Hadlay War Murtiyeedka Shirka London Ka Soo Baxay

$
0
0

Hargeysa (RBC) Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qeyb ahaan war murtiyeedka shirka London ee arrimaha Soomaaliya ka soo baxay xalay.

Wasiirka oo saaka la hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in Qodobka Afraad ee war murtiyeedka shirka London uu ka hadlayo wadahadalada u socda maamulka Somaliland iyo dawlada federaalka Soomaaliya.

“Qeybta afraad ee war murtiyeedka wuxuu soo dhoweeyay wadahadalka u socda Soomaaliya iyo Somaliland, laakiin haddana anagu waxaau u aragnaa in shirka London uu yahay mid khuseeya Soomaaliya oo qura.” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sheegay in haddii shirka London ay tegi lahayd Somaliland uu qiilqiil geli lahaa hamiga Somaliland ee gooni isutaagga, sidaas awgeed aysan ka qeybgalin shirka.

“Waanu soo dhoweyneynaa in marwalba arrimaha Soomaaliya wax laga qabto oo dadkaa walaalahayaga ah ay helaan nabadgelyo.” ayuu sii raaciyey.

Maamulka Somaliland ayaan horey u qaadacay shirka London iyagoo sheegay inaan loo martiqaadin sidii dawlad ka madax bannaan Soomaaliya.

War murtiyeedka shirka London ayaa qodob ka mid ah waxaa lagu taageeray wadahadalka ay dawlada federaalka Soomaaliya kula jirto maamulka Somaliland iyadoo sidoo la amaanay dadaalada ay dawlada ku gaareyo dhammaan gobollada dalka iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

HALKAN KA AKHRI WAR MURTIYEEDKA SHIRKA LONDON

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles