Baydhabo (RBC) Ugu yaraan labo ruux oo uu ku jiro mid ka mid ah guddoomiyaasha xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa ku dhaawacmay weerar bambo gacmeed loo adeegsaday oo xalay ka dhacay xaafada Hawlwadaag ee magaaladaasi.
Qaraxa bambada oo ahaa mid gacanta laga tuuray ayaa la sheegay in lagu weeraray guri uu deganaa guddoomiye xaafadeed lagu magacaabo Sahal kaasoo ku dhaawacmay qaraxa. Haweeney guriga joogtay ayaa sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacantay weerarkaasi.
Ciidamada maamulka gobolka ayaa iyaguna sheegay in ninkii falkaasi geystay ay toogteen xilli uu isku dayey inuu ka baxsado goobtii uu bambada ku tuuray.
Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in ninka la toogtay ee lagu eedeeyay inuu bambada tuuray uu aha nin horey uga soo goostay kooxda Al Shabaab, kadibna isu soo dhiibay maamulka gobolka Baay ayna soo damiinteen dad la yaqaano.
Meydka ninkaasi xalay la toogtay ayaa la sheegayaa in saaka uu yaallo goobtii xalay lagu toogtay, waxaana dad ku sugan Baydhabo ay sheegeen inuu yahay nin la yaqaano.
RBC Radio