US(RBC) Col. C/laahi Cali Macow oo ka mid ah saraakiishii hore ee amniga ciidanka Soomaaliyeed oo xiligan ka mid ah qurba joogta Soomaaliyeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey go’aanadii kasoo baxay shirka London ee ku saabsanaa xoojinta amniga Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in natiiijada shirka London ay tahay mid ay ku hanweyn yihiin iney wax badan ka kaabi doonto dib u soo celinta amnigii Soomaaliya.
Col. Macaow ayaa shaaca ka qaaday in yabooha dhisida ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ee kasoo baxay shirkii shalay oo Talaado ahayd ka dhacay magaalada London uu fure u yahay dib usoo celinta amnigii dalka,wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay albaabka u fureyso dib u dhiska ciidankii qaranka Soomaaliyeed oo ku burburay dagaaladii sokeeye .
Macow ayaa hoosta ka xariiqay iney la gudboonta dowlada Soomaaliya iney ka faa’iideysato fursada qaaliga ah ee xiligan taagan iyo u heelanaanta beesha caalamka ee arimaha Soomaaliya,wuxuuna ku taliyey in laga faa’iideysto saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka oo uu sheegay iney intooda badan shaqayn karaan xxiligan,isla markaane ay iyagu ahaayeen kuwii dhisay ciidankii cududa lahaa ee dowladii Kacaanka.
Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday Col. C/laahi Cali Macow oo ka mid ahaa saraakiishii amniga ee Soomaaliya in hadii ay ciidamada Soomaaliya helaan tababarada iyo dhisida loo ballan qaaday iney awood u yeelan doonaan hanashada amniga Soomaaliya waqtiga dhow.
“sida kaliya ee xal waara loogu heli karo sugida amniga dalkeenna Soomaaliya waa in cid walba uu sharcigu ka sareeyaa,waana in qof walba uu sharciga dhowraa una hogaansamaa”ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Col.C/laahi Cali Macow.
RBC Radio