Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

UDAD oo ka qayb galaya Doorashooyinka Golaha Deegaanka Puntland.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDAD Siciid Faarax (Sanweyne)  oo la    hadlayay    Saxaafada Gudaha ayaa sheegay in is bedel uu ku yimid Go’aankoodii ahaa in aysan ka qayb galeyn Doorashooyinka Golaha Deegaanka  kadib markii wax laga qabtay qaar ka mid ah Qodobo ay saluugsanaayeen oo ay ugu horeesay Maxkamad Dastuuri ah oo aan la samayn, wuxuuna si toos ah ugu dhawaaqay in Ururku ka qayb gali doono Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Puntland ee 30ka June la qaban doono Sida ay ku dhawaaqeen Gudiga Doorashooyinka Puntland maadaama la shaaciyay in Maxkamad Dastuuri ah sda ugu dhaqsiyaha badan lagu samayn doono..

 

“ Waxaa inoo muuqatay in wax walba laga hormariyo Danta Umada Puntland waana waajib in Go’aanka wax laga bedelaa marba hadii lagu dhawaaqay in lasameynayo Maxkamad Dastuuri ah oo Dalka uu yeesho iyo in nalaga talo weydiiyo Shaqaalaha Gudiga Doorashooyinka u kala jooga Deegaanada Puntland waa arin wanaagsan, Maanta Gudiga Doorashooyinka ayaanu shir la yeelanay waxaana ka wada hadalnay arimaha Doorashooyinka iyo ogeysiisyadii ugu dambeeyey ee uu Gudigu u diray Ururada Siyaasada si ay uga qayb galaan Doorashooyinka Golaha Deegaanka.

 

Ururkan hada ku dhawaaqay in uu ka qayb galayo Doorashooyinka Puntland ayaa tira ahaan ku noqonaya in sidaa ay Doorashada ay uga qayb galayaan 5 Urur wallow uu wali harsan yahay Ururka Midnimo oo aan ilaa iyo hada ka hadlin isbedelada la sameeyey isagoo warsaxaafadeed uu dhawaan soo saaray ku shaaciyay Ururkaasi  in wali wax isbedel ah uusan ku iman Mowqifka ay ka taagan yihiin ka qayb galka Doorashooyinka Puntland.

RBC RADIO
Xafiiska Wararka garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles