Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Puntland oo lama huraan ku tilmaantay isticmaalka Lacagta shanta Boqol.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Wasiir ku xigeenka Wasaarada maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Nugaal qaasatan Sarifla-yaasha ayaa u sheegay in ay tahay lama huraan isticmaalka Lacagta Shanta Boqol Dowladuna aysan joojin lacagtaasi lagana faafiyay been abuur aan loo meel dayin,isagoo ku baaqay in la joojiyo wararka lagu jahwareerinayo habsami u socodka Ganacsiga Puntland.

 

Wasiirku wuxuu cadeeyey in Dowladu ay Canshuurta ku qaadeyso Doolar iyo Sh,Soomaaliba oo asyan jirin in Doolar kaliya canshuurta lagu qaadayo taasoo uu tilmaamay in lagu been abuurtay, wuxuu kaloo faa’faahin ka bixiyay Sababta keentay in Dowladu ay LAcagta Shaqaalaha Dowlada ku bixiso Doolar taasoo uu ku micneeyey in ay ka dambeesay kadib markii Dowladii hore iyo Dowladan hada Soomaaliya ka jirta Puntland uga bexeen balan qaadyo badan oo la xiriira Sameynta Lacago Cusub oo lagu bedelo Lacagta Sh,Soomaaliga oo Sii nabaad guureysa taasoo uu ku tilmaamay Wasiirku midaan hirgelin.

 

Arintan ayaa timid kadib markii Dowlada Puntland  7kan Gudihiisa ay ku dhawaaqday in Shaqaalaha Dowlada Mushaarkooda laga dhigi Doono Doolar, Taasoo kaliftay in Lacagta Shanta Boqol laga Diido isticmaalkeeda inta badan Garoowe Qardho iyo Boosaaso, inkastoo Dowladu amartay in laga hortago Arintaasi.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles