Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xasan Sheekh Iyo David Cameron oo Goordhow Shir Jaraa’id Wada Qabtay, Ingiriiska oo Ballanqaaday Kaalmo Waqti Dheer (Faahfaahin)

$
0
0

LONDON (RBC) Waxaa goordhow la soo xiray shirkii Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada London kaasoo maanta ay wadajir ay u fureen raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabada shirka waxaa shir jaraa’id oo ka dhaca xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska ee London ka hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo raysul wasaare Cameron.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirka maanta uu guul ku soo dhamaaday, Soomaaliya ay heshay taageerada caalamka.  Wuxuu kaloo sheegay in dawlada federaalka ay weli u baahan tahay garab istaaga iyo kaalmada caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey arrimaha laga rabo dawladiisa ayaa sheegay in dawlada ay ku dadaaleyso inay masuuliyadeeda qaadato ayna noqoto dawlad lala xiisabtamo oo dadkeeda ay la xisaabtami karaan.

Wuxuu sheegay inay u furnaan doonaan saaxiibada caalamka, oo kaalmooyinka la siiyana si wanaagsan looga faa’ideysan doono, isagoo sheegay inuu rajeynayo in afar sano kadib Soomaaliya wax kaalmo ah aysan u baahan doonin.

Ingiriiska oo ku dhawaaqay kaalmo muddo fog

Raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in shirka London uu keenay miro la taaban karo oo waxtar u leh Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dawlada Ingiriiska ay bilaabeyso barnaamij ay dhinacyo badan uga taageereyso dawlada, sida dib u dhiska amaanka, caddaalada iyo maaliyadda.

Ingiriiska ayaa soo diraya khubaro ciidan oo tababaro siisa ciidamada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay inay Soomaaliya u dirayaan khubaro dhanka maaliyada oo la shaqeysa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale raysul wasaaraha Ingiriiska wuxuu sheegay in dawlada federaalka Soomaaliya ay ka caawinayaan tababarida ciidamada booliska oo hadda tiradoodu tahay 6,000 askari lana gaarsiinayo illaa 12,000 askari iyo dhanka garsoorka oo la tababari doono sharciyaqaano.

Dawlada Ingiriiska waxay guud ahaan shaacisay in dhaqaale gaaraya 145 milyan oo Ginniga Ingiriiska ah ay ku bixineyso Soomaaliya kaasoo ah kaalmada waqtiga fog ee Soomaaliya loo qoondeeyey, sida uu sheegay raysul wasaaraha UK.

Dawlado fara badan ayaa maanta iyaguna ballanqaaday dhaqaale loogu yaboohay dib u dhiska wadanka Soomaaliya.

Maalinta berito ee Arbacada waxaa lagu wadaa inuu London ka dhaco shir looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya kaasoo ay ka qeybgalayaan ganacsato Soomaali ah, shirkado waaweyn iyo bangiyo.

Sidoo kale maalmaha 9-ka illaa 10-ka bishan ayaa waxaa London ka dhacaya shir kale oo ay ka wada qeybgali doonaan dawlada Soomaaliya, AMISOM iyo dadka qurbejoogta Soomaalida qaarkood.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles