R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax shiirdoon Saacid oo ka qayb galay Banaanbax lagu taageerayey shirka arimaha Soomaaliya ee magaalada London ayaa shaaca ka qaaday in shirka London uusan ahayn mid loo qabtay Soomaaliya balse uu yahay mid lagu dhegeysanayo ra’yiga iyo rabitaanka umada Soomaaliyeed.
“Shirkani maaha shir loo qabtay Soomaaliya,waa shir lagu dhegeysanayo fikirka iyo baahida Soomaalidu dooneyso in laga taageero” ayuu yiri R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo la hadlayey kumanaan ruux oo maanta Muqdisho isugu soo baxay kuwaas oo si weyn u taageerayey shirka arimaha Soomaaliya ee magaalada London.
R/wasaare Saacid ayaa daboolka ka qaaday inuu dhamaaday xiligii shirarka Soomaalida loo qaban jiray,wuxuuna tilmaamay in beesha caalamku ay London ugu kulansan yihiin sidii ay u dhegeysan lahayd Fikirka iyo ajandaha dowlada Soomaaliya ee nabad kusoo dabaalida dalka kadibne ay ugu dhaqaaqi lahaayeen taageerida rabitaanka umada Soomaaliyeed.
R/wasaare Saacid ayaa rajo weyn ka muujiyey in shirka maanta ka furmay magaalada London ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya ay kasoo bixi doonaan go’aano wax ku ool ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku celceliyey in beesha caalamku ay diyaar u tahay wax la qabashada dadka Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho