London(RBC) Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musavevi oo qudbad ka jeediyey shirka arimaha Soomaaliya ee ka soconaya magaalada London ayaa shaaca ka qaaday in sida kaliya ee xal waara looga gaari karo arinta Soomaaliya iney tahay dhisida ciidanka qaranka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Yuweri Musavevi ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada AMISOM ee kasocda wadamada Afrika ee dalkiisu uu hormuudka u yahay ay ku guuleysteen iney alshabaab ka saaraan magaalooyinka,Muqdisho,Baydhabo,Kismaayo,Marka,Jowhar iyo Afgooye,wuxuuna tilmaamay iney wali jiraan magaalooyin badan oo ku jiray gacanta alshabaab.
Yuweri Musavevi ayaa shirka ka jeediyey talooyinka ku aaddan sida ay la tahay in lagu xasilin karo dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in ciidamada Soomaaliyeed lasiiyo tababar ku filan si ay u gaaraan isku filnaansho.
Madaxweynaha Uganda ayaa tibaaxay in hadii qodobo dhowr ah la sameeyo xal waaro loo heli doono xaaladaha dalka Soomaaliya,waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu soo bandhigay 1. tababar la siiyo saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliya,2.in ciidamada loo tababaro dowlada Soomaaliya ay helaan hogaan 3. iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed ay helaan waxbarashada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musavevi ayaa ballan qaaday in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto dhib u dhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliya si ay u hantaan sugida nabadgalyada dalka Soomaaliya oo ay ragaadiyeen Abaaro iyo Colaado sokeeye.
RBC Radio