London (RBC) Raysul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ayaa sheegay in caalamka looga baahan yahay inay ficil ahaan u taageeraan nabadeynta Soomaaliya oo arrintu aysan ku ekaanin hadal kaliya.
Raysul wasaaraha Ethiopia oo ahaa masuulkii afraad ee ka hadla shirka London ayaa sheegay in wadamada deriska ah ay ka daaleen arrimaha Soomaaliya ka dib markii 23 sano ay dalka ka socdeen dagaalo iyo kooxo mintidiin ah.
“Wax badan inaan ka dhaho muhimada ay leedahay nabadda Soomaaliya ma rabo inaan waqti ku bixiyo laakiin waxaan dhihi karaa wadamada deriska way ku filan tahay inay ka daaleen nabadeynta Soomaaliya.” ayuu yiri Hailamariam.
Wuxuu sheegay in beesha caalamka ay ka soo gudubto hadal oraah ah kaliya, ee ay la yimaadaan ficil wax loogu qabanayo Soomaalida.
Mar uu ka hadlayey arrimaha gudaha ee Soomaaliya, wuxuu raysul wasaaraha Ethiopia sheegay inaaney jirin cid bannaanka nabad uga keeni karta Soomaalida oo ay iyaga nabada keensan karaan, caalamkuna taageero.
Wuxuu caddeeyay in kaalinta wadamada deriska iyo urur goboleedka IGAD oo uu hadda isaga madax u yahay ay tahay kaliya taageerida iyo gacansiinta dawlada laakiin dadka Soomaaliyeed laga rabo inay wax qabsadaan oo nabadooda ilaashadaan.
“Dawlada Soomaaliya, AMISOM iyo wadamada caalamka waa inay ahmiyada koowaad siiyaan la dagaalanka Al Shabaab.” ayuu sidoo kale yiri raysul wasaaraha Ethiopia.
Wuxuu Hailemariam soo qaaday heshiiskii dhowaan wadamada IGAD ku saxiixeen magaalada Addis Ababa ee sheegayey in sameynta maamulada dalka ay masuul ka tahay dawlada federaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dawladana laga rabo inay hannaanka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ay ka dhigto mid ballaaran oo dhammaan Soomaalida ay ku wada jiraan.
Wuxuu sheegay in shirka London uu keenay dareenkii caalamka uu ka qabay Soomaaliya oo markasta ku ekaa dhanka amaanka in hadda laga fogaado oo hoos loogu dego dhanka horumarka Soomaaliya, maadaama buu yiri ay Soomaaliya amaan ahaan aad u soo fiicnaatay waqtigan.
Wuxuu sheegay inuu amaanayo dawlada Ingiriiska kulankan ay u qabatay Soomaaliya iyadoo IGAD oo uu isagu gudoomiye u yahay ay sii wadayaan taageerada Soomaaliya.
RBC Radio