Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkii London Ee Soomaaliya oo Furmay Iyo Khudbado Toos ah oo Socda

$
0
0

London (RBC) Waxaa hadda bilawday si rasmi ah shirkii Soomaalida ee London kaasoo ay wada guddoominayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo raysul wasaaraha UK.

Hadda waxaa socda khudbadaha masuuliyiinta shirka. Waxaa la sharaxayaa ujeedada shirka.

Ugu horeyn waxaa hadalka qaatay raysul wasaaraha UK Cameron oo qeexay in ujeedkooda uu yahay inay taageeran Soomaalida laakiin dawlada Soomaaliya laga rabo inay tahay in amnigeeda sugato, musuqmaasuqa diido ayna si dhab ah u hirgeliso nabadda dalka.

Cameron wuxuu soo qaatay hadal ay jeedisay Dr Xaawo Cabdo oo af dhakhtar Soomaaliyeed oo sheegtay in rajadu ay tahay wax dhiman markasta laakiin nabadda ay dadka marnaba ka maarmin.

Wuxuu kaloo sheegay in 2/3 (labo meelood meel) Dadka Soomaaliyeed ay yihiin dhalinyaro, taasna ay cadeyneyso in wadanka Soomaaliya uu leeyahay mustaqbal. Wuxuuna walaac ka muujiyey in dhalinyaradaas ay qaarkood galeen Al Shabaab oo sii jiidatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadlay ayaa isaguna bilaabay in dhowr usbuuc ka hor uu geed yar ku tallaalay xarunta madaxtooyada, geedkaasoo u baahan in la waraabiyo lana xannaaneyo mustaqbalka Soomaaliyana uu sidaas hadda yahay.

Xasan Sheekh wuxuu ka maghadceliyey dareenka sii kordhaya ee caalamka u muujiyey Soomaaliya, iyo qabashada shirka London.

Wuxuu u mahadceliyey dawladaha deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa u soo gurmaday, sida Turkiga, Masar, Qadar, iyo Jaamacadda Carabta.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles