Qansax-dheere(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya iyo alshabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal shalay galinkii danbe ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay,afhayeenka dhanka hawlgalada ururka alshabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta taageerta alshabaab ayaa sheegay in ciidamada alshabaab ay duulaan ku qaadeen deegaan duleedka ka ah degmada Qansax-dheere oo uu sheegay in ciidamada dowladu ay shacabka ku dhibaateynayeen sida uu tilmaamay
Abu Muscab ayaa sheegtay iney dagaalka ku dileen 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya,wuxuuna sidoo kale tilmaamay iney hub fara badan ka furteen ciidankii dowlada ee ay dagaalka la galeen isla markaane ay gaarsiiyeen jab culus sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey sheegashada alshabaab ee ku aaddan iney khasaaro ba’an gaarsiiyeen ciidanka dowlada,wuxuuna tilmaamay iney duleedka degmadaas ku dagaalameen ciidamada dowlada oo sida uu sheegay ku jiray Roondo xiligaas iyo alshabaab.
Aadan Cabdi ayaa qiray in dagaalka ay dhimasho kasoo gaartay ciidamada dowlada,wuxuuna sheegay in 2 askari ay dagaalka kaga geeriyootay,balse wuxuu tilmaamay iney alshabaab gaarsiiyeen khasaare lixaad leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac isla markaane ay ka eryeen goobtii lagu dagaalamay.
Gudoomiyaha degmada Qansax-dheere ayaa hoosta ka xariiqay in alshabaab ay deegaanada hoosyimaada degmadaas ka wadaan tacadiyo ay ku hayaan shacabka reer miyiga ah ee ku dhaqan deegaanadaas oo uu sheegay in alshabaab ay ka qaadaan baad.
Aadan Cabdi ayaa carrabka ku dhuftay in shabaabku ay dadka ku hayaan Caga-jugleyn iyo handadaad joogto ah,isla markaane ay dadka ku amraan iney bixiyaan Sako uu sheegay ineysan dhammaan oo bil walba ay dadka ka qaadaan sida uu tilmaamay gudoomiyaha degmada Qansax-dheere,ma jiraan ilo ka madax bannaan sheegashada labada dhinac ee dagaalamay oo ku aaddan khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho