London(RBC) Shirka London ayaa saacadaha soo socda si rasmi ah uga furmaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska,shirka oo ay ka qayb-galayaan Qaramada Midoobe,Midowga Afrika,Hay’adda lacagta adduunka iyo wufuud ka kala socda in ka badan 50 dal ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa sugida Amniga,hirgalinta garsoorka iyo Maareynta Maaliyada.
Shirka ayaa waxaa si wada jir ah u shir gudoomin doona madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron oo isagu shirka marti-galinaya,Shirka London ayaa waxaa indhaha kuwada haya shacabka Soomaaliyeed iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya kuwaas oo ku rajo weyn ka qaba iney shirka kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah oo kaabaya dadaalada ay wado dowlada Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa iney kasoo baxaan go’aano cad-cad oo lagu taageerayo sidii ay Soomaaliya markale cageheeda isu taagi lahayd,Qaramada Midoobe ayaa si buuxda u taageereysa shirkan waxayna dhawaantan ku dhawaaqday iney dalka Soomaaliya ka fulineyso hawlgal cusub oo si buuxda loogu garab istaagayo dowlada Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliaya ayaa waxaa hore loogu qabtay shirar badan oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah oo la taaban karo,bulshada Soomaaliyeed ayaa ku kala argti duwan shirka London qaar kamid ah ayaa qaba in shirka uu ka mid yahay shirarkii aan miradhalka noqon jirin ee Soomaaliya loo qaban jiray isla markaane aysan waxba kasoo bixi doonin.
Halka qaar kale ayaa aaminsan in wadamada reer galbeedka at markan dhab ka tahay iney soo afmeeraan colaadaha Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay danahooda geeska Afrika iyi guud ahaan caalamka,kadib markii ay Soomaaliya ay kasoo ifbexeen Burcadbadeeda oo curyaamisay isu socodka badaha caalamka iyo kooxaha Islaamiyiinta xiriirka la leh Al-qaacida kuwaas oo reer galbeedku ay dareemeen iney tahay qatar weyn oo kasoo fool leh dalka Soomaaliya isla markaane ay la gudboon tahay iney si deg deg ah uga hortagaan dhibaatada kasoo ifbaxaysa Soomaaliya,waxaana la isku raacay in sida kaliya ee arimahani xal loogu heli karo ay tahay in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo leh cudud ciidan oo ay ku hanato sugida amniga badda iyo barriga Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho