Beledweyne(RBC Radio) Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyey hawlgalo xiriir ah oo 3-dii maalmood ee ugu danbeeyey ka soconayey degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim C/kariim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgaladaasi ay ahaayeen kuwo la doonayey in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Beledweyne.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay iney kusoo qabqabteen hawlgaladaas dad kor u dhaafaya 80 ruux oo looga shakiyey iney ka tirsan yihiin ururka alshabaab isla markaane ay ku lug leeyihiin falalka amni darro ee maalmihii danbe ka dhacayey gudaha Beledweyne,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in hawlgalka lagu soo qabtay hub iyo walxaha qarxa.
Maxamed Ibraahim C/kariin gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay iney sii wadi doonaan hawlgalada ay ka bilaabeen degmada Beledweyne ilaa ay magaalada ka sifeeyaan dadka ka wada falalka lagu qalqal galinayo amniga magaalada Beledweyne.
Gudoomiye ku xigeenka Hiiraan ayaa sheegay inuu mamnuucyahay haysashada hubka sharci darrada ah,wuxuuna ku celceliyey inaan maamulka gobolka Hiiraan ka go’an tahay xaqiijinta amniga guud ahaa gobolka gaar ahaan xarunta gobolka ee Beledweyne.
Ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa hawlgalo ballaaran magaalada ka waday maalmihii ina dhaafay kadib markii ay gudaha magaalada ka dheceen falal lidi ku ah amniga degmada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho