Qoryooley (RBC) Allah ha u naxariistee waxaa habeenimadii Isniinta tuulada Buulo Sheekh oo u dhexeysa degmada Qoryooley iyo tuulada Kabtan Laas lagu dilay siyaasiga Axmed Guure oo ka mid ahaa hakyeeyadii Soomaalida ee ka qeybgalay dadaaladii xornimo-doonka dalka xilal kala duwanna soo qabtay.
Rag ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay inay gurigiisa ugu galeen Axmed Guure iyagoo halkaasi ku dilay isaga iyo wiil dhalinyaro ah oo uu awoowe u yahay oo lagu magacaani jiray Mahad.
Dad deegaanka u tagay aaska marxuumka ayaa sheegay in Axmed Guure iyo wiilkiisa ay dileen kadibna gubeen kooxdii dishay, waxayna meydka uga tageen beer mooska iyo khudaadka lagu beero oo uu lahaa marxuum Axmed Guure oo tuulada ku taalla.
Illaa hadda lama yaqaano sababta ka dambeya dilkan foosha xun, iyo waxa loo beegsanayey Axmed Guure oo waayeel ahaa isla markaana aan hadda wax siyaasad ah faraha kula jirin.
Taariikhdiisa oo kooban
Sida ay noo sheegeen xubno ehelada marxuumka ka mid ah oo taariikhda marxuumka na soo gaarsiiyey, wuxuu Axmed Guure ku jiray sanadkiisii 95aad, wuxuuna dhashay 1918-kii.
- Horraantii 1945, wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada ku biirtay dhaqdhaqaaqii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL.
- 1954 tii wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii loo qaaday Jaamacadaha Talyaaniga ee loo diyaarinayay in xukunka kala wareegaan Talyaaniga, waxaa la geeyay Jaamacada Rooma, wuxuuna soo bartay Culuumta Siyaasadda.
- 1958-kii markii uu jaamacadda soo dhameystay ee uu dalka ku soo laabtay waxaa loo magacaabay Guddoomiyihii Degmada Marka.
- 1960-kii markii xornimada la qaatay, lana dhisay dawladii ugu horreysay waxaa loo Magacaabay gudoomiyihii Gobolka Bari isagoo fadhiyey magaalada Boosaaso.
- 1961-kii waxaa loo diray Jarmalka, wuxuuna ahaa diblomaasigii furay safaarada Soomaaliya ee Jarmalka, wuxuuna qunsul ka ahaa ilaa 1964-kii.
- 1964-kii waxaa loo doortay xildhibaan Dawladii Soomaaliyeed ee Rayidka, markaas oo dib uga soo laabtay Jarmalka, wuxuu xildhibaan ahaa ilaa 1969kii Markii Milateriga Soomaaliyeed xukunka afgambiga kula wareegeen.
- 1969-kii Markii milateriga xukunka la wareegay waxaa loo magacaabay Madaxii qunsiliyadda ama Jaaliyada Soomaalida oo loogu tala galay inay gacan siiyaan dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ka socday dalka Jabuuti , halkaas oo uu gacan weyn ku siiyey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka Jabuuti, wuxuu Jabuuti joogay ilaa 1973-kii.
- 1973dii Waxaa loo magacaabay Agaasimihii Guud ee Hay’adda INJI, wuxuuna xilkaasi hayey ilaa 1976-kii.
- 1976-kii wuxuu Axmed Guure ka mid noqday Safiiro, agaasimayaal ay dawladdii militariga shaqada ka joojisay sababo lagu sheegay inay la jaanqaadi karin Kacaanka.
Tsn iyo mudadaas wuxuu u wareegay Axmed Guure beer iyo guri uu ku lahaa deegaanka Buulo Sheekh ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mudadii burburka wuxuu iska joogay beertiisa oo ay ka soo go’aan illaa hadda moos iyo khudaarta noocyadeeda kaladuwan.
Marxuumka Allaah ha u naxariistee wuxuu ka tagay 28 carruur ah oo isugu jira kuwo uu dhalay iyo kuwo ay sii dhaleen. Innaa lillaahi waa inaa Ileyhi Raajicuun.
RBC Radio