Nairobi (RBC) Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa xukun xarig xabsi daa’in ah ku xukuntay labo nin oo u dhashay wadanka Iiraan kuwaasoo lagu eedeeyay inay waxyaabaha qarxa geeyeen magaalada Mombassa ee wadanka Kenya ayna la shaqeynayeen ururka Al Shabaab.
Labadan nin oo la xiray bishii June ee sanadkii hore ayaa sida sarkaal ka tirsan maxkamad Nairobi wuxuu sheegay inay qirteen in qalab ay ku jiraan waxyaabaha qarxa oo culeyskiisu gaarayo 15 KG oo ka sameysan budada nooca RDX loo yaqaano ay geeyeen magaalada Mombassa iyagoo lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen kooxda Al Shabaab ee wadanka Soomaaliya taasoo qaraxyo badan ka geysatay gudaha wadanka Kenya.
Labada nin ayaa lagu kala magacaabaa Aaxmed Maxamed iyo Sayed Mansuur ayaa diiday eedeynta loo soo jeediyey. Qareenkooda ayaa sidoo kale sheegay in raggan intii ay xirnaayeen ay su’aalo weydiiyeen sirdoonka Israaiil oo ugu tagay xabsiga.
Wax yar kadib markii raggaan u dhashay wadanka Iiraan la xiray sanadkii hore ayaa raysul wasaraha Yuhuudu uu shaacaka qaaday in Iiraan ay qorsheyneysay inay weerarto danaha Yuhuuda ee Kenya.
Labada nin ee u dhashay wadanka Iiraan ayaa maanta loo dhaadhiciyey xabsi ku yaalla magaalada Nairobi, mana cadda in arrinta xukunkooda ay soo faragelisay dawladooda.
RBC Radio