Garoowe (RBC RADIO) Sida uu Maanta Saxaafada u sheegay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka KMGka ah ee Puntland Pro,Maxamed Xasan Barre waxaa lagu hawlan yahay Samaynta Xeerka Maxkamad Dastuuri ah oo ay yeelaneyso Puntland iyadoo taasi ay xigi doonto doorashada Gudoomiyaha Maxkamada kaasi oo dhexdhexaad ka noqon doona Arimaha Doorashooyinka Puntland ee dhawaan la filayo in ay qabsoomaan sida uu Gudoomiyuhu yiri.
“ Waxaa in dhawaaleba leysla dhexmarayay Puntland maleh Maxkamad Dastuuri ah oo loo Noqdo hadii uu qilaaf ka yimaado Arimaha Doorashooyinka anagoo taasi ka duuleyna ayaa hada la wadaa Xeerka Maxkamadaasi ay yeelaneyso waxaana 15ka June la horgeynayaa Baarlamaanka Puntland markuu kalfadhigooda furmo, intaan doorshooyinka waqtigooda la gaarin ayaan fileynaa in la sameeyo Maxkamada,arintanah waxay qayb ka tahay in la aaso dulduleelada inta badan la sheego si aan u helno Doorasho ku dhacda Xaq iyo Xalaal oo cidina aan lagu tacadiyin.
Gudoomiyuhu wuxuu kaloo fariin u faray Ururada siyaasada in ay kusoo gudbiyaan liiska Musharixiinta uga qayb galeysa Doorashooyinka Golaha deegaanka ugu Dambeyn 11ka Bishan aynu ku guda Jirno intaa wixii ka dambeeyana uu liisku Xirmi doono isagoo codsaday in ururadu ay arintaasi xooga saaraan waqtiyada soo aadan.
Ururada Midnimo iyo Udad ayaa kol hore sheegay in aysan ka qayb galeen Doorashooyinka Puntland iyagoo dhaliilsan qodobo ay ka mid tahay in Wadanku uusan lahayn Maxkamad Dastuuri ah lamase oga sida uu mowqifkoodii hore wax uga bedelayo Maxkamada Dastuuriga ah oo hada hawsheeda lagu guda jiro.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.