Gaalkacyo[RBC Radio]Ka dib kulan ay maantey isugu yimaaden magaaladda Gaalkacyo qar ka mid ah wariyaasha ka howlgala deegaana Puntland ayaa waxaa ay siwada jir ah u sheegen in cid matasha saxaafada Puntland ay san ka qeyb galeen shirka London ee lugu waado maalinka bari ah inuu furmo .
Suxufiyiinta kulanka qatey ayaa si cadd u sheegey in ay soo gartey xog caddeynaysa in shirka London lagu casuumay Wariyaal ka tirsan Saxaafada Puntland kuwaasi oo qeyb ka noqonaya wariyaal lagu casuumay in ay soo tebiyaan warbixinada ku saabsan shirka London, hase ahaatee Wariyaashii lagu casuumay shirka kuwa aan ahayn ay ka qeybgaleen arintaasi oo ah mid khiyaano ah oo lagu sameeyay Wariyaasha ka hawlgala Puntland ama magaacooda la isticmalayo waa sida ay hadalka u dhigeene.
Kulan kooda ka dib ayaa wariyasho waxaa ay soo saren war qoraal oo ay uga hadlayaan kulankooda waxii uga soo baxay.
Bayaanka suxufiyiintu soo saareen ayaa ka koobnaa qodobadan.
1. Annagoo ah wariyaasha ka hawlgala Puntland waxaan caddeyneynaa in aysan na matalin xubnaha wariyaal ahaanta loogu casuumay shirka London.
2. Waxaan kaloo caddeyneynaa in Wariyaasha laga qeybgeliyay shirka London ay yihiin wariyaal laga qaaday magaalada Muqdisho, magaalada Muqdishana in aysan ahayn Soomaaliya oo dhan.
3. Waxaan dalbanaynaa in la baaro cidd ka soo shaqeysay soo xulista wariyaasha ka qeybgalaya shirka London, dadkaas oo aan oran karno uma aysan cadaalad sameyn hawsha loo xil saartay oo ah in ay soo xulaan wariyaashii ku haboonaa in ay ka qeybgalaan shirka ee matalaya warbaahinta deegaanada Puntland.
4. Waxaan Madaxda dawladda Britain ee shirka London martigelinaysa, Ururada saxaafada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba u sheegaynaa in aan loo cadaalad sameyn wariyaasha ka qeybgalaya shirka London, xubnaha shirkaasi ka qeybgalaya ee matalaya saxaafada Soomaaliyeedna ay yihiin dad si hoose looga qaaday magaalada Muqdisho.
RBC Radio