Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qodobada Dawlada Soomaaliya Ay Horgeyn Doonto Shirka London (Afar Qodob oo Waaweyn)

$
0
0

Muqdisho (RBC) Dawlada Soomaaliya ayaa shirka London ee berito [7-da May 2013] ka furmaya magaalada London lagu wadaa inay horgeyso illaa afar qodob oo waaweyn kaasoo la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeedin doono shirka.

Nuuradiin Aadan Diiriye oo mar u tartamay madaxtinimada Puntland haddana ka mid ah guddi ay dawlada federaalka u saartay diyaarinta iyo ururinta barnaamijka dawlada ay la hortegi doonto shirka London ayaa Raxanreeb u sheegay in qorshahan afarta qodob ah uu ka yimid mashruucii madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaca ka qaaday markii la doortay bishii Sebtembar 2012 kaasoo ka koobnaa illaa lix qodob.

Sida uu sheegay Nuuradiin Aadan Diiriye, waxa ugu weyn ee shirka London kaga duwan yahay shirarkii hore ee Soomaalida loo qaban jiray ay tahay in markan dawlada Soomaaliya ay la imaaneyso wax ay iyada soo diyaarsatay, halka shirarkii hore Soomaalida loo soo qori jiray daawo aaney cudurkeeda qabin.

Sidoo kale xubnaha guddiga loo saaray diyaarinta ajendaha dawlada la tageyso shirka London ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka kuwaasoo iyaguna beryahan soo ururinayey talooyin ay ka sameynayeen kulamo bulshada lala yeelanayey.

Qodobada afarta ah ee ay dawladu u diyaarsatay shirka London ayaa kala ah

1- Nabadbgelyada iyo Amniga

Qodobka nabadgelyada iyo amniga ayaa sheegaya dhismaha iyo dib u habeynta ciidamada booliska, nabadsugida iyo militariga.  Wuxuuna qorshahan sheegayaa in dawlada ay rabto in mudo labo sano ah ay ku dhisato ciisan boolis iyo militari hanan kara ammaanka dalka.

Waxaa dhinaca kale qorshaha ku jira lacagta guud ee ku baxaysa dhismaha iyo habeynta ciidamada iyo siyaabaha loo fulin karo.

2- Caddaaladda iyo dib u habeynta

Qodobkan ayey dawlada Soomaaliya ku sheegtay in mudo labo sano ah ay ku rabto inay ku soo afjarto sameynta nidaamka garsoorka dalka isla markaana la helo sharci adag iyo kala dambeyn.

Waxaa qodobkan ku jira codsi ay dawladu u jeedineyso dawladaha iyo hay’adaha caalamka si ay uga caawiyaan dhismaha hay’adaha garsoorka iyo lacagta ku baxaysa.

3- Dib u habeynta Maaliyadda iyo Maareyntooda

Qodobkan oo ah kan ugu adag ee dawlada Soomaaliya su’aalo fara badan laga weydiin doono ayaa sheegaya in dawladu rabto inay hesho macaamil toos ah oo ay la yeelato wadamada, bangiyada iyo hay’adaha lacagta adduunka.

Waxaa sidoo kale ku jira sida dawladu uga hortageyso musuqmaasuqa iyo in lacagaha la siinayo la xado, iyadoo sidoo kale la iska rabo in la isla garto habka lacagaha deeqaha loo siin doono dawlada.  Waxay dhanka dawlada Soomaaliya soo jeedisay in la sameeyo nidaamka loo bixiyey “Special Financial Facility” kaasoo dawlada Norway oo ka mid ah dawladaha shirka ka qeybgalaya ay taagereyso.

4- Xasiloonida siyaasadeed

Qodobkan ayaa dhigaya qorshe dawlada madaxweyne Xasan Sheekh u dejisay in mudo afar sano ay ku gaarto xasilooni siyaasadeed oo gudaha dalka ah.

Qodobkan waxaa ku jira sameynta dib u heshiisiin ay ku sheegtay dawlada “mid sal balllaaran” oo laga soo bilaabo hoos.

Sidoo kale nidaamka federaalka iyo qabashada doorashooyin deegaan, kuwo goboleed iyo ka qeybgalka bulshada ayaa ku xusan.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles