Xarfo[RBC Radio]Degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka bilabey howlo iska wax uqabso ah oo ay iska kaa shanayaan bulshada degmada iyo maamulka degmada Xarfo.
Jidka laamiga ah ee dhaxqaada bartaha magaaladda ayaa waxaa kabilaabatey tayactir laga dayactirayo gobaha uu ka bur busanyahay taasi oo cabasho kala gadisan ay horey uga kenen shacabka degmada.
Munaasabad lugu dahfureyey mashrucan degmada ka bilabmey ee xiligan bilowgisa lugu dayactirayo jidka laamiga ah ayaa waxaa ka sooo qeyb galey masuuliyin kasocotey gobolka oo uu horsocdey guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yusuuf Jaamac “Tigey”iyo Agaasimaha Hay’ada wadooyinka Puntland PHA Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan iyagona dhamantood booriyey shacabka iyo maamulka degmada Xarfo howshan iska wax uqabsada ah ee ay bilaaben xiligaan.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey”oo hadal u jeediyey maamulka iyo shacabka degmada ayaa uga mahadceliyey howsha kudayashada mudan ee xiligaan degmada ay ka bilaaben isagona si cadd ugu sheegey in degma kasto loo bahanyahay in ay aayahoda katashato si ay hormar u higsato.
Eng Maxamuud Cabdinuur Agaasimaha hay’ada wadooyinka Puntland ayaa isgana shacabka degmada iyo maamulka u sheegey inay wadaan howlmuhim uu ah bulshadooda waxana uu kula dardarmey inay si wadaan oo aysan mesha uga harin.
Qar ka mid ah shacabka degmada oo iyaguna ku howlana shaqada ay wadeen ayaa sheegey inay doonayan sidii ay u hormarin lahaayen deegaankoda.
Degmada Xarfo ayaa ka mid ah degmooyinka uga facaweyn gobolka Mudug wana degmo taarikh dheer ku leh gobolka Mudug,qorshaha xiligaan ee degmadana waxaa uu qeyn ka yahay qorshayaal hormarined oo degmaayinka gobolka Mudug ka socda.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo