Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada oo soo bandhigtay wadooyinka loo ogolyahay iney adeegsadaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwo ay ka mamnuucday adeegsigooda

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Soomaaliyeed ee Taraafikada Gen. Cali Xirsi Barre  Cali-Gaab ayaa maanta ku dhawaaqay amar uu sheegay inuu kasoo baxay madaxda sare ee dowlada Soomaaliya kaasoo Gaadiidka dadweynaha gaar ahaan Nuuca Soomaalidu u taqaano Caasiga (Hoomeyda) ay gabi ahaanba Mamnuuc ka tahay inuu adeegsado wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Cali-Gaab ayaa gaadiidka dadweynaha u asteeyo wadooyinka qaar oo dowlada Soomaaliya ay ogoshahay maritaankooda,wuxuuna tilmaamay in dowladu ay gabi ahaanba joojisay Isticmaalka gaadiidka dadweynaha ee  wadada Makka Al-mukarama,wadada ka baxday KM-4 ilaa laga gaaro garoonka diyaaradaha Muqdisho,wada ka baxday KM-ilaa Isgoyska Banaadir.

Cali Xirsi Barre taliyaha ciidamada Taraafikada ayaa sheegay iney gaadiidka dadweynaha loo ogol yahay iney isticmaalaan,wadada kasoo baxda agagaarka KM-4 gaar ahaan dugsigii 21-October ee degmada Waaberi iyagoo kasoo leexanaya Afisyooni wadada Fiya-Moosko ilaa ay ka gaaraan degmada X/weyne.

Cali-Gaab ayaa sidoo kale tilmaamay iney dowladu ogoshahay maritaanka wadada wadnaha wuxuuna tilmaamay in ciddii u baahan iney gaarto Isbitaalada Banaadir iyo Madiina oo la xayiray wadooyinkii soo gali jiray iney dadku kasoo gali karaan dhanka Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan  oo uu ku egyahay xanibaada isticmaalka wadada ee gaadiidka dadweynaha.

Taliyaha Taraafikada ayaa wadayaasha gaadiidka kula taliyey iney maraan Jid-Cadayyaasha dhexmara Xaafadaha,wuxuuna uga digay iney hareer maraan amarka kasoo baxay dowlada Soomaaliya,isagoona ballan qaaday iney xaafadaha geyn doonaan ciidan taraafik ah oo kala haga gaadiidka isla markaane ka hortaga dadka gaadiidka u diiday isticmaalka wadooyinka xaafadaha dhexmara.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles