Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo waftigii uu hogaaminayey oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska oo 7-da bishan May oo ku beegan maalinta Berri ah uu ka furmayo shirka lagu taageerayo dowlada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa si diiran garoonka diyaaradaha magaalada London ee Heathrow Airport ugu soo dhaweeyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka UK iyo masuuliyiin ka socday dowlada Ingiriiska.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya waxaana kamid ah wasiirka arimaha dibada ahna R/wasaare kuxigeenka dalka Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan,wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi,wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa loo galbiyey Hooy loogu tala galay iney daganaadaan mudada uu shirku socdo,waxaana lasoo sheegayaa iney magaalada London shirar horudhaca ku leeyihiin gudiyada qaban qaabinaya shirka London oo ka kala socda dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska kuwaas oo ka arinsanaya shirka maalinta Berri ah ka Furmaya London oo ay si wada jir ah u shir gudoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Ingiriiska.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho