Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey in hadii aysan wada shaqayn dhab ah yeelan shacabka iyo masuuliyiinta maamulada degmooyinka dalka inaan nabad la heli doonin,wuxuuna ku booriyey shacabka iyo maamulada degmooyinka iney yeeshaan wada shaqayn si loo soo celiyo amniga dalka.
“Gudoomiyaasha degmooyinku waa iney kasbadaan taageerada bulshada ku dhaqan degmada ay masuulka ka yihiin,shacabkune waa iney la shaqeeyaan masuuliyiinta degmadooda, hadii sidaas la sameeyo waxaa hubaal ah in sugida amniga la xaqiijin i doono”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in maamulada degmooyinku ay yihiin aas-aaskii dowladanimada,wuxuuna carrabka ku adkeeyey hadii aan la hagaajin xiriirka maamulada degmooyinka dalka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ineysan suurta gal ahayn in la helo wada shaqayn dhexmarta madaxda sare dowlada iyo shacabka,maamulada degmooyinka ayuu ku tilmaamay iney xiriiriyaan madaxda sare iyo shacabka.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale baaq u diray qurba joogta Soomaaliyeed,wuxuuna ka dalbaday iney ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda,”Magaalooyinka quruxda badan ee Yurub iyo Mareykanka ku yaal ee aad ku nooshihiin ma lihidiin,waxa aad leedihiin dalka burbursan ee Soomaaliya,waa inaad quruxsataan meesha aad leedihiin,foolxumada dalkan taalla meel walba oo aad joogtaan idinka hari mayso” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa iyaguna la qaba madaxweynaha in hadii ay si dhow u wada shaqeeyaan shacabka masuuliyiinta degmooyinka iyo laamaha ammaanka in shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan nabad ay ku naaloodaan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho