Muqdisho(RBC Radio) Qaar kamid ah wadooyinka muhimka ah ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta dib loo xiray,wadooyinkan oo maalmihii danbe u xirnaa ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxaa dib loo furay Sabtidii iyadoona xiritaankoodu uu ka danbeeyey kadib qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.
Wadooyinka ayaa waxaa saaka lagu soo daadiyey ciidamo fara badan oo iskugu jira ciidanka dowlada Soomaaliya iyo booliska AMISOM kuwaas oo joojiyey iney wadooyinkaas isticmaalaan gaadiidka dadweynaha waxaana maanta hakad galay isu socodka qaybo badan oo ka tirsan degmooyinka caasimada Muqdisho.
Masuuliyiinta dowlada ayaa ku micneeyey xiritaanka wadooyinka Muqdisho mid looga hortagayo weeraro ay alshabaab maleegayaan,madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladu aysan uga gol leheen xiritaanka wadooyinka iney shacabka ku dhibaateyso balse ay doonayaan iney kaga hortagaan weeraro la ogaaday iney alshabaab damacsan yihiin iney ka geystaan gudaha Muqdisho.
“Aada ayaan u dareymaynaaa cabshada dadweynaha Soomaaliyeed,dhibaatada ay bulshadu ka cabaneyso ee ka dhalatay xiritaanka wadooyinka waxaa ka culus dhibaatada looga hortagay,waxaa la baajiyey weeraro dhiig badani ku daadan lahaa,kuwo kalane hada ayaa lagu daba jiraa sidii loo fashilin lahaa” ayuu yiri madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Alshabaab oo dhankooda ka hadlay ayaa beeniyey sheegashada dowlada ee ah iney wadooyinka u xirta si ay shacabka uga badbaadiyaan dhibaatada alshabaab,balse waxa ay sheegeen in xiritaanka wadooyinka Muqdisho ay tahay arin lagu curyaaminayo bulshada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho