Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaramada Midoobey oo Si Kulul u Cambaareysay Qaraxii Muqdisho Shalay Ka Dhacay

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Danjiraha xilka kasii dagaya ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii loo adeegsaday gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ee lagu weeraray Kolonyo gaadiid ah oo galbinayey Samafalayaal u dhashay dalka Qadar kaasoo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac dad badan oo rayid ah soo gaartay.

Mahiga ayaa ku sheegay war kasoo baxay Xafiiskiisa in weerarkaasi uu ahaa  mid fulaynimo ah isla markaane aan horjoogsan doonin dadaalada ay Qaramada Midoobe ku taageereyso dowlada federaalka Soomaaliya.

“Alshabaab waxay doonayaan iney mugdi galiyaan nolosha dadka shacabka ah ee ka xamaasha wadooyinka Muqdisho,weerarkaasi wuxuu ahaa mid waxashnimo ah oo lagu dilay dad rayid ah” ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay danjiraha xilka kasii dagaya ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mahiga.

Augustina Mahiga ayaa ku celceliyey ineysan marnaba Qaramada Midoobe hakin doonin dadaalada isdaba joogta ah ee ay ku garab taagan yihiin dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed si ay uga soo kabtaan dhibaatada dabada dheeraatay ee ay 22-ka sano kusoo jireen,wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii dhibaatadu ay kasoo gaartay weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid lagu curyaaminayo bulshada Soomaaliyeed.

Cambaareynta loo jeedinayo qaraxii loo adeegsaday gaariga laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa ee lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo galbineysay wafti la sheegay iney ahaayeen samafalayaal u dhashay dalka Qadar ayaa soo kordheysa.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles