Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaan waxba loo raacan doonin dhalinyarada Soomaaliyeed ee alshabaab ku jira hadii ay isa soo dhiibaan,madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday inaan wax dhibaato ah loogeysan doonin dhalinyarada Soomaaliyeed ee u dagaalama alshabaab hadii ay kasoo goostaan alshabaabka ay xiligan ka tirsan yihiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay inuu dhamaaday xiligii la maran habaabin jiray dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaane mugdiga la galinayey mustaqbalkooda,wuxuuna hoosta ka xariiqay in bulshada Soomaaliyeed ee horumar ku talaabsanayaan iyagane looga baahan yahay iney dadkooda dhinac ka raacaan,wuxuuna ugu yeeray dhalinyarada ka barbar dagaalama alshabaab iney ka waantoobaan dhibaayteynta dadkooda iyo dalkooda.
Xasan Sheekh Madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyey inaan la cafin doonin hogaamiyaasha alshabaab ee marin habaabiyey dhalinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo uu ku tilmaamay iney dhalinta u horseedeen iney bulshada kula kacaan falal fool xun,isagoona ku celceliyey in bulshada Soomaaliyeed ay la xisaabtami doonto hogaamiyaasha alshabaab.
Madaxweynaha ayaa si gaara farta ugu fiiqay in dhalinta Soomaaliyeed ee u dagaalama alshabaab xiligan looga baahan yahay iney gartaan dibindaabyada ay alshabaab ku hayaan bulshadooda Soomaaliyeed,madaxweynaha ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in dowladu ay cafis u fidineyso dhalinyarada ka barbar dagaalama alshabaab hadii ay isa soo dhiibaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho