Minneapolis (RBC Radio) Kulan aad u mugweyn oo uu soo qabanqaabiyey U Dhaqdhaqaaqaha arimaha bulshada Umada Soomaalida ee ku nool Gobolka Minnesota Mudane Sadik Warfa ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis.
Jaaliyada waxa ay nasiib u heshay in ay dhageystaan Prof Hodan Ciise, Prof Axmed I Samatar, iyo Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ka jawaabayey suaal aheyd.
Kulanka ayaa furay Sadik Warfa waxa uu sharaxaad kooban ka bixiyey waxa uu kulanka caawa ku saabsan yahay in waxa uu mowduuca uu yahay caawa iyo aqoonyahanada ku martiqaadan FAGAARAHA.
Sadik waxa kasoo qeybgalayaasha u sheegay in sadexda aqonyahay loo qori tuuray oo xaq u heshay in hadalka ugu hormarto Prof Hodan kuna xigsan doono Dr Cabdinuur uguna danbeyn doono Prof Samatar.
Fedraalka Soomaaliya ma u Wanaagsan Yahay?
Prof Hodan Ciise
Prof Hodan ayaa waxaa kulanka ka jeedisay khudbad aad tayo wanaagsaneyd oo cilmi ku dhisan waxa ayna dadkii kawada qanciay suaashaas.
Dr Hodan waxa ay tiri Yaan la oranine Fedraal sistemka ma u wanaagsan yahay Soomaaliya ee Fedraal sistamkee noo wanaagsan waxaan jeclahay in aan ka jawaabo su aashaas.
Dalka mudo burbursanaa ciladii dagaalkii sokeeye waxa ay keentay in qof walba meeshii uu ka yimid buu ku noqday waxa ay dadkii kuwada noqdeen meeshii uu reerkoodii daganaa, dhibaatooyin badan dartod baa la isyiri in qaabkaan ay Soomaalidu ay isugu imaan karto.
“Soomaalida waa ay wada dhaawacan nahay meeshaad joogtaba joog qabiil iyo kala qeysanaan baa nagu soo dhacday, weynu is aafeynay, si xun beynu isku galnay maxaa ina bogsiin karo weeye? ma waxaa ina bogsiin kara in lagu qasbo dad waxa aysan dooneyn? mise waxaanu la nimaanaa wax inoo wada dhaxeeya oo kawada fekernay oo kawada xaajoonay oo goaan ka gaarnay oo isla garanay oo aan wada ilaashano waa in aanu suaashaas is weydiino” ayey tiri Prof Hodan
Gunaanad
Fedraalka Soomaaliya waa uu wanaagsan yahay.
Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed
Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo horey u ahaan jiray Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumaddii Farmaajo ayaa waxa sidoo kale jeediyey Khudbad wanaagsan oo uu ug jawabayey isla suaashaas.
Dooda Dr Cabdinuur ayaa ku dooday maadaama Soomaaliya Daris la tahay labo dal oo leh dowlad dhexe xoog leh ama central hanoqoto ama fedraal ha noqoto waxaa soomaaliya u wanaagsan in ay yeelato dowlad dhexe oo xoog leh
Dr Cabdinuur waxa uu kaloo yiri dowladi qabiil kuma dhismi karto gobol hal qabiil dego dowlad ma noqon karo, dowlad waxaa noqon karo dad isku dhafan, soomaali badan leh, waxa kaloo nasiib daro ku tilmaamay in ay beeli tiraahdo waxaan noqoneynee gobol gaar ah oo dowlad goboleed ayaan noqoneynaa dabcab waxaa meeshaas ka dhalan karta fowdo.” ayuu yiri Dr Cabdinuur
Gunaanad
Soomaaliya waxa ay u baahan tahay 4 ilaa 5 Dowlad Goboleed, oo mid walba ay dagan yihiin shucuub kala duwan oo mid walbo leeyahay xeeb.
Prof Axmad Samatar
Waxa uu kulanka ka sheegay in quburada aduunka ay isku raacsan yihiin oo buugaag badan laga qoray ku saabsan qaababka dowlad dhisida waxa uuna yiri “in wadanba wadanka uu ka liito uu uga baahi badan yahay in uu helo dowlad dhexe oo xoogleh”
Anigu waxaan qabaa arinta Fedraalnimada in ay Soomaaliya qatar weyni ku tahay, sida loo kala furfurayo loo kala qaaqaadayo dhibaatadeeda waa ay bilaabatay dhibaatade kale ay fedraalnimada ay soomaaliya u leedahay waa dhaqaalaha lagu maamulayo iyo halka looga keenayo goboladaas oo mid walbaa baarlamaan sameysto, madaxweyne sameysto.
Gunaanad
Dowlad yar oo quwad leh oo xalal ah oo karti leh ayaanu u baahan nahay
Dhamaan kasoo qeybgalayaasha kulanka ayaa waxa ay aad ugu mahadnaqeen Sadik Warfa maadaama uu uu waqti badan galeyey in Soomaalida ay wada hadlaan oo la helo goob ay kuwada hadlaan fikradaooda isku dhaafsadaan.
Kulankaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo taxane ah oo loogu magac daray FAGAARAHA oo aqoonyahano Soomaaliyeed looga dhageysanayo mowduucyo kala duwan oo markaas taagan.
oo kulan iswareysi iyo isa suaalid ku