Muqdisho(RBC) Xaflad lagu dhaarinayey taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo agaasimaha hay’adda nabadsugida qaranka ayaa maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa-Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, munaasabada ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin badan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Abukaate Caydiid C/laahi Ilkaxan ayaa dhaariyey taliyaha cusub ee booliska Soomaaliyeed C/xakiin Daahir Siciid oo loo yaqaan( Saacid) iyo agaasimaha hay’ada nabadsugida iyo sirdoonka dowlada Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe).
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabada dhaarta ka hadlay ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya ay xilalkooda si rasmi ah ula wareegeen,isla markaane looga fadhiyo iney isbedel muuqda ku keenaan xaaladaha amni ee dalka ka jira xiligan.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa shaaca ka qaaday in saraakiishani ay haystaan kalsoonida dowlada iyo shacbiga Soomaaliyeed,sidaas darteedne laga sugayo iney ka miro dhaliyaan Yididiilada bulshada Soomaaliyeed ee ah iney helaan nabadgalyo ay ku naaloodaan.
Labadan masuul ee maanta la dhaariyey ayaa si rasmi ah xilalka ugala wareegi doona taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhuna Maye iyo xilka agaasinka hay’ada nabadsugida qaranka oo uu si kumeelgaar ah u hayo Gen. C/kariin kadib markii uu is casilay agaasimihii hore ee nabadsugida Axmed Macalin Fiqi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho