Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh. oo booqday degmada Dayniile,kulane la leh qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaas

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo isla markaane ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka Cadaalada,arimaha diinta iyo Awqaafta C/laahi Abyan Nuur,kusimaha gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyii kale ayaa kormeer ku tagay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Xaflad ay ku kulansan yihiin waftiga madaxweynaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa xiliga si toos ah uga socota Hoteel ku yaalla degmada Dayniile,dhammaan waxgaradka kasoo jeeda degmada ee goobta ka hadlay ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya inaan dadka ku dhaqan degmada Dayniile lagu Shabbayn iney dhammaantood yihiin alshabaab.

Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Muqdisho oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladu ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinka baaxada leh ee haysta bulshada reer Dayniile,wuxuuna ku booriyey madaxweynaha dowlada Soomaaliya inaan dadka deegaanka lagu Shabbayn iney yihiin alshabaab,wuxuuna tilmaamay in dadka ku nool degmada Dayniile ay yihiin dad nabadda jecel isla markaane diyaar u ah iney la shaqeeyaan dowlada Soomaaliya.

Xaad ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney degmada gaarsiiso adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida Caafimaadka,waxbarashada iyo Nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda Qorraxda kuwaas oo hore looga hirgaliyey qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligan Qudbad ka jeedinaya munaasabada ayaa ballan qaaday in dowladu ay gacan buuxda ka geysaneyso sidii degmada Dayniile loo gaarsiin lahaa adeegyada Muhimka ah ee lagama maarmaanka u ah nolosha Aadanaha.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles