Kampala [RBC Radio]Magaaladda Kampala ee xarunta dalka Uganda waxaa muddi danbe ka socdey tartan kubadda koleyga ah oo ay ka qeyb gashey degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug taasi oo qeyb ka aheyed kooxihi ka qeyb galey.
Tartankaan ayaa lugu magacdarey Inter City Game waxana ciyaarti ugu danbeysey oo ahayed afar dhamadka isku arkey magaalooyinka Gaalkacyo iyo Mukono waxana dhex martey ciyaar ad uu xisoo badan ayna ka soo qeyb galeen boqolaal daawadayal ah kuwao taagero uu ahaa labada kooxod ee ay ciyaartu dhexmareysey.
Ciyaarta ayaa bilowgedi ilaa dhamedkedu uu ahaa mid xamaasad ad u sareysa leh waxaa dhawaq ad u sareya laga daremayey garoonka ay ciyaartu ka socotey sidoo kale waxaa la arkayey taagero ad u farabadan oo lulayey calamada Soomaaliya iyo Puntland kuwaaso taagero uu ahaa kooxdi ka socotey magaaladda Gaalkacyo.
Ciyaartan oo aheyd ciyaar logu gudbayey dhamadka tartanka ama kama danbeysta tartanka ayaa waxaa ay ku idlaatey 58 iyo 71 waxana guusha ay racdey kooxdi ka socotey magaaladda Mukono oo iyado kensatey goolal gaaraya 71-gool halka magaaladda Gaalkacyo ay iyaduna kensatey goolal garayaa illaa 58-gool waxana halkaasi gusha ay ku racdey kooxdi ka socotey Mukono.
Magaaladda Gaalkacyo waxaa taarikh ahan ay noqotey magaaladdi ugu horeysey ee muddo 15-saano soo garta ciyaarta afar dhamadka tartaanka kubadda koleyga,tartankan dar dar galintisa inay kooxda Gaalkacyo ay ka qeyb qaadato waxaa gacan ka siyey shirkaddaha AMAL EXPRESS, GOLIS TELECOM, Dr HASHI CITY OIL , PLANET EAGAR iyo XAREED PETROLEUM.
Abdirashiid Hassan Bakin oo ka mid ahaa masuliyin lahadashey kooxda magaaladda Gaalkacayo ayaa uga mahadceliyey kooxda sida wanagsan ee ay uga qeyb qaaten tartankaan iyo ciyaar wanaga ay soo bandhigen kooxda waxana uu hadalkisa farin ugu direy shacabka Puntland isagona ku booriyey inay taageran sidii magaaloyinka Puntland ay uga qeyb qadan lahayen tartankaan oo kale oo ay xiligaan ka qeyb gashey magaaladda Gaalkacyo.
Abdiqani carabey oo ah hogoomiyaha kooxda kasocotey magaaladda Gaalkacyo ayaa isguna sheegey in xiligaan loobahan yahay sidii lo kabi lahaa bahiyaha ay kooxdo tabayso madaama ay jiraan baahiyo fara badan oo ay kooxdo qabto waxana uu bahiyahaasi ka iclaamiyey sara uqadista kooxde ee dhanka aqoontoda iyo taagero dhaqlo oo ay kooxdu ubaahantahay,sidoo kale hadalkisa Abdiqani waxaa uu kusoo qadey inay damacsanyihiin in tartanada danbe ay ka soo qeyb galaan qar ka mid ah magaaloyinka Puntland sida magaaladda Boosaaso,Garowe iyo magaaloyinkale.
Tartaankan oo sanadkan ay ka qeyb gashey magaaladda Gaalkacyo ayaa noqonay tartan aysan muddo ka qeyb galin magaaloyinka Puntalnd iyadona meel wanagsan oo afar dhamadka ku hartey,waxana arintaasi soo dhawaeysey guud ahanba bulshada Soomaaliyed gar ahan kuwa reer Puntland kuna til maamey guul usoo hoyatey guud ahanba dalka.
Goor dhow filo sawirada oo dhamestiran
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio