Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Saraakiisha booliska oo faah faahin ka bixiyey khasaaraha qaraxii Maanta Muqdisho ka dhacay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Saraakiisha booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay wadada KM-4 ee degmada Hodan ee  magaalada Muqdisho taliyaha qaybta bartamaha ee booliska Soomaaliyeed Gen. Garaad Nuur Cabdulle oo warfidiyeenada kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka warbixiyey khasaarihii ka dhashay qaraxaas.

Gen. Garaad Nuur taliyaha qaybta ayaa sheegay in guud ahaan tirada dadka ku nafwaayey qaraxaas Ismiidaaminta ah iney gaarayaan  5-ruux oo kala ahaa Hooyo iyo ilma yar oo ay dhashay,2 ruux oo rayid ah oo wadada marayey iyo darawalkii gaariga u waday.

Taliyaha qaybta bartamaha ee booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in qaraxaasi lala maagganaa in lagu waxyeeleeyo  mawaadiniin u dhashay dalka Qadar,wuxuuna ku ammaanay ciidamada booliska Soomaaliyeed sida ay gacanta weyn uga geysteen badbaadinta Ajaanibta u dhashay dalka Qadar ee weerarka lagu qaaday kuwaas oo xiliga la weeraray kusii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay ka duuleen.

Gen. Garaad Nuur Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed  oo gaarigiisa la weeraray uusan saarneen  xiligaas balse ay gaariga wasiirka la socdeen 4-ta ruux ee u dhashay wadanka Qadar.

Taliyaha qaybta bartamaha ee booliska Soomaaliyeed Gen. Garaad Nuur Cabdulle ayaa ku nuuxnuuxsaday in booliska Soomaaliyeed ay dadaal ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimada iyo ka hortagida weerarada ay alshabaab ka geysanayaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles