Muqdisho (RBC) Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa weerar ismiidaamin baabuur loo adeegsaday oo barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska KM4 ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dib markii baabuur la soo miineeyay la isku dayey in lagu qarxiyo baabuurka gaarka ah ee wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dawlada federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Wasiirka ayaa sida la xaqiijiyey ka badbaaday weerarkan, waxaase khasaare uu soo gaaray baabuurkiisa, kaasoo ciidamada ay ka kexeeyeen goobta qaraxu ka dhacay.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in baabuur noociisu ahaa TOYOTA CARIB oo miineysan uu isku dayey inuu kala dhexgalo baabuurka wasiirka oo noociisu yahay Land-cruiser iyo baabuurkii ay saarnaayeen ilaalada wasiirka, haseyeeshee saxmada ka jirtay wadada iyo ciidamada oo celiyey baabuurka kale darteed uu markii dambe gaariga miineysan ku qarxay meel u dhow baabuurka wasiirka.
Wafdiga Qadar
Idaacadda ku hadasha afka dawlada ayaa sheegtay in xilligaasi wasiirku aanu saarneyn baabuurka balse xilligaasi waxaa baabuurya ay gelbinayeen wafdi dalka Qadar ka yimid oo beryahan dawlada marti u ahaa kuwaasoo saaka markuu qaraxu dhacayey ku jiheysnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho. Lama sheegin wax khasaare ah oo gaaray xubnaha wafdiga Qadar.
Sida wararka ugu horreeya ay sheegayaan shan ruux oo u badan haween uunaku jiro wiil yar ayaa ku geeriyooday qaraxa ismiidaaminta ah. Waxaa kaloo dhaawacmay afar kale oo ahaa dad wadada marayey.
Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamed Dhabaney oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay ib ciidamadaay baarayaan weerarka, wuxuuna cadeeyay in hal ruux uu ahaa ninkafukiyey weerarka isqarxinta ah kaasoo meydkiisu uu ku dhex gubtay baabuurkii uu isku miidaamiyey.
Illaa hadda wasiirka arrimaha gudaha kama hadlin weerarka lagu qaaday baabuurkiisa ee lala damacsanaa in isaga lagu dilo.
Bogag ku hadla afka kooxda Al Shabaab ayaa xaqiijiyey weerarka iyo in wasiirka arrimaha gudaha uu ahaa bartilmaameedka saaka.
Qaraxan wuxuu dhacayaa iyadoo shalay dib loo furay waddooyinka waaweyn ee caasimada oo ay ku jirto KM4, kadib markii mudo afar maalmood ah ay xirnaayeen jidadka sababo lagu fasiray ka hortegida weeraro qaraxyo ah oo ay Al Shabaab soo maleegtay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho