Beledweyne(RBC Radio) Hawlgalo baaxad leh oo lagu sugayo amniga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka maalintii labaad ka socda degmadaas,hawlgalka oo ay si wada jir ah u wada fulinayaan ciidamada xooga dalka iyo ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan ciidanka dowlada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne.
Ciidamada ayaa saaka aroortii hore ku Jarmaaday Xaafada October ee magaalada Beledweyne halkaas oo ay ka samaynayaan hawlgal ay ku raadinayaan hub,walxaha qarxa iyo dad xiriir la leh ururka alshabaab oo xiliyada qaar gudaha degmada Beledweyne ka geysta falal lidi ku ah amniga magaaladaasi.
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lasoo sheegayaa iney guri guri u galayaan isla markaane ay dhammaan guryaha ku yaalla xaafadaas ku hayaan baaritaano xoog leh,saraakiisha horkacaya ciidamada oo ay Raxanreeb xiriir la samaysay ayaa inoo sheegay iney hawlgalka ka war bixin doonaan marka ay soo gabagabeeyaan.
Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo hawlgalka magaalada Beledweyne ka bilaabay shalay ayaa gacanta kusoo dhigay,walxaha qarxa,hub iyo dad ay uga shakiyeen iney ka tirsan yihiin ururka alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya.
Maamulka iyo saraakiisha gobolka Hiiraan ayaa ku celceliyey iney xaqiijinayaa sugida amniga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada Soomaaliya,Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM iyo ciidamada dowlada Ethiopia kuwaas oo dhamaantooda ka qayb qaata sugida amniga magaaladaasi.