Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmadaas ay haystaan xaalado nolol xumo oo aad u liita,wuxuuna ku baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka danyarta ah ee ku nool degmadaas kuwaas oo uu tilmaamay iney u baahan yihiin gurmad deg deg.
Gudoomiye Iimaan Cadow ayaa sheegay in dadkii ay markii hore waxyeeleysay dhibaatadii ka dhalatay abaartii ku dhufatay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo kuwaas oo usoo hayaamay magaalooyinka kuna dacdareysnaa gudaha degmada Garbahaarey ay xiligan soo food saartay xaalad nolol xumo oo aad u adag.
Kaarshe ayaa sheegay inuu marar badan qaylo dhaan u diray hay’adaha gargaarka caalamiga ah si gurmad loola soo gaaro dadka ku tabaaleysan degmadaas oo ay saameeyeen Roobabka degmada ka da’ay,wuxuuna tilmaamay in xiriiro badan oo uu la sameeyey hay’adaha gargaarka inuusan wax jawaab ah ka helin.
Gudoomiyaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa hoosta ka xariiqay in amniga degmadaas uu yahay mid sugan,wuxuuna ballan qaaday in maamulkiisu uu damaanad qaadayo sugida amniga hay’adaha ,wuxuuna mar kale ku celiyey baaqa ku aaddan in hay’adaha gargaarka caalamiga ah ay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.