Baay(RBC Radio) Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa dhaliiilay Qurba joogta kasoo jeeda deegaanada gobolka Baay oo uu sheegay iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatada ka jirta Isbitaalka guud ee degmada Baydhabo oo ay haysato dawo la’aan,burbur soo gaaray dhismaha Isbitaalka,Agab la’aan iyo dhaqaatiirta iyo shaqaalaha Isbitaalka oo aan haysan wax daryeel iyo mushaharaad ah.
Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay inuu baaqyo isdaba joog ah u diray Jaaliyadaha Qurba joogta ah ee kasoo jeeday gobolka Baay isagoo ka dalbanaya iney gacan ka geystaan wax ka qabashada baahida ka jirta Isbitaalka guud ee degmada Baydhabo balse waxa uu tilmaamay iney dhegaha ku fureysteen ilaa hadane aysan jirin cid si rasmi ah uga soo jawaabtay baaqyadaas.
Hoosow ayaa sheegay in Isbitaalka magaalada Baydhabo uu yahay mid kaliya ee ku yaalla gobolada Baay iyo Bakool,wuxuuna markale ku celiyey in Jaaliyadaha ku nool dibadaha ee kasoo jeeda goboladaas iney usoo gurmadaan Isbitaalka Baydhabo oo u baahan gurmad deg deg ah.
Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa ku booriyey Qurba Joogta kasoo jeeda gobolkaas iney ku daydaan Jaaliyadaha dhigooda ah ee gobolada kale ee dalka kuwaas oo kaalin libaax leh ka qaatay sare u qaadida adeegyada caafimaadka deegaanada ay kasoo jeedaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho