Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hogaamiyaha ugu sareeya ururka alshabaab oo shirka London ku tilmaamay Shirqool loo maleegayo Ummada Soomaaliyeed

$
0
0

 

(RBC Radio) Hogaamiyaha ugu sareeya ururka alshabaab Axmed Cabdi Godane ayaa fariin cod ah oo uu soo diray oo lagu faafiyey bogagaga warbaahinta taageerta alshabaab iyo barta Internet-ka ayaa kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya,wuxuuna ka hadlay arimaha shirka London,Khayraadka dalka,Ciidamada shisheeye ee taageeraya dowlada Federaalka,dowrka dowlada ee aayaha dalka,Weerarkii qorsheysnaa ee alshabaab ku qaaday xarunta maxkamadaha dalka iyo dastuurka Soomaaliya.

 

Shirka London

Axmed Cabdi Godane ayaa fariinta codka ah ee lagu baahiyey bogaga Internet-ka iyo warbaahinnada taageera alshabaab kaga hadlay  shirka 7-da bishan Soomaalida uga furmaya magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska wuxuuna  sheegay in shirka London uu yahay shirqool la doonayo in lagu dhaxal wareejiyo ciida Soomaaliya sida uu tilmaamay.

Axmed-Godane hogaamiyaha alshabaab ayaa sheegay in shirka magaalada London uu yahay mid dhamaystir u ah hagardaamooyin uu sheegay in la iskula meel dhigay shirkii kal hore Soomaalida loogu qabtay magaalada London,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in shirkaasi ay kasoo bixi doonaan 3 arimood oo kala ah.

1.In lala wareego dhaqaalaha dalka iyadoo gabbaad laga dhiganayo heshiisyo caalami ah oo dowlada lala galayo,maamul wanaag,taageerida dib u dhiska dalka iyo samaynta kobac dhaqaale oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.

2.In dalka la kala qaybiyo iyadoo lagu gabbanayo hirgalinta nidaamka Federaalka,”Federaalku waa kala qaybin maldahan” ayuu Yiri Godane,wuxuuna farta ku fiiqay in dowlada Ingiriisku ay tahay middii markii horaba ummada Soomaaliyeed u kala qaybisay 5-ta qaybood,wuxuuna ku celceliyey in ujeedka cusub ee Ingiriiska uu yahay inuu mar labaad sii kala qaybiyo dalka Soomaaliya,isla markaane uu gacanta u galsho wadamada Kenya,Ethiopia iyo Uganda sida uu tilmaamay.

3.In laga tago ku dhaqanka  shareecada Islaamka,isla markaane la qaato xukunka  iyo mabaadii’da Ingiriiska iyo Mareykanka,wuxuuna ku baaqay in shirkaas laga fogaado,isagoona tibaaxay iney London kasoo fool leeyihiin hagardaamooyin qarsoon oo loo baahan yahay in laga hortago.

 

Madaxda dowlada.

Axmed Godane ayaa sheegay in madaxda dowlada Soomaaliya ay baro-dheereeyeen kuwii iyaga ka horeeyey wuxuuna sheegay iney dhibaato ku hayaan ummada Soomaaliyeed sida uu tilmaamay,wuxuuna ku eedeeyey madaxda dowlada Soomaaliya iney dalka cadow u gacan galiyeen.

Hogaamiyaha ugu sareeya ururka alshabaab ayaa ku nuuxnuuxsaday in masuuliyiinta dowladu ay dhaxal wareejiyeen umada Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay iney dalka ka fulinayaa isla markaane ay u adeegayaan  ujeedooyinka  gurracan ee cadowga ummada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna intaa ku daray in kadib markii ay fuliyeen shuruudo la hordhigay madaxda dowlada  ay u suurta galisay iney helaan aqoonsiga dowlada Mareykanka,wuxuuna si gaar ah u sheegay iney madaxda dowladu hirgaliyeen 1. dhaqan galinta Dastuurka oo uu ku sheegay mid ka hor imaanaya Kitaabka Alle, 2. ogolaanshaha kala qaybinta dalka, 3. ogolaanshaha in dalka dib gumeysi loo galiyo, 4. barakicinta deeganaada ay ku nool yihiin dadka rayidka ah si loogu raali galiyo Mareykanka sida uu tilmaamay.

Dastuurka.

Hogaamiyaha ururka alshabaab ayaa si kulul u weeraray Dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay inuu yahay Mu’aamarad ay soo maleegeen cadowga ummada Soomaaliyeed,isla markaane lagu doonayo in bulshada lagu fasahaadiyo sida uu hadalka u yiri.

Wuxuuna tilmaamay in dastuurku uu dhaqan xumo u horseedayo dadka Soomaaliyeed,wuxuuna wacad ku maray iney dagaal adag la gali doonaan,wuxuuna sheegay in alshabaab ay yihiin kuwo u taagan ka badbaadinta ummada Soomaaliyeed hagardaamooyinka ay la maaggan yihiin cadowgooda sida uu yiri.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles