Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mareykanka oo dalbaday in Cadaalada la horkeeno kooxaha caadeystay dhibaateynta Saxafiyiinta Soomaaliya

$
0
0

Washington(RBC Radio) Dowlada wadanka Mareykanka ayaa ka dalbatay dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee ka jira Soomaaliya in baaritaano qota dheer ku sameeyaan kooxaha caadeystay  dilka iyo dhibaateynta wariyaasha Soomaaliyeed oo marti u noqday gumaad ay ku hayaan kooxo aan haybtooda la aqoon.

Tara D. Sonenshine oo ah ku xigeenka kaaliyaha xog-hayaha arimaha dadweynaha Mareykanka oo ka hadleysay  Shir Jaraai’d oo ay ku qabatay dalkaas kaasoo ay kusoo beegtay xuska maalinta 3-da May oo ku asteysan maalinta Madax-bannaanida warbaahinta adduunka ayaa sheegtay in si deg deg ah loogu baahan yahay in Caddaalada la horkeeno kooxaha tacadiyada kula kaca wariyaasha Soomaaliyeed.

Tara D. Sonenshine ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Mareykanku ay ka xuntahay dilalka iyo tacadiyada kale ee loo geysto Wariyaasha Soomaaliyeed,”Dowlada Mareykanku aad ayey uga xuntahay dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geysto wariyaasha Soomaaliyeed,waana arin aan wanaagsaneen in wariyaasha Soomaaliyeed la beegsado xili ay ku jiraan gudashada hawsha adag ee ay u hayaan bulshadooda” ayey tiri ku xigeenka kaaliyaha xog-hayaha arimaha dadweynaha dowlada Mareykanka Tara D. Sonenshine.

Tara ayaa sheegtay in wariyaasha Soomaaliyeed aysan fursad u heli karin iney baaritaano iyo dabagal ku sameeyaan Musuqmaasuqa iyo xad-gudubyada kale ee ka dhaca gudaha Soomaaliya,waxayna intaa ku dartay in hadii wariyaasha loo geysto tacadiyo in ay  meesha ka baxayso in  Wariyaashu ku dhiiradaan iney si xor ah wax u tabiyaan.

Hadalka kasoo baxay dowlada Mareykanka ee ku aaddan in caddaalada la horkeeno kooxaha caadeystay dilka iyo dhibaateynta wariyaasha Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmay xili ay wariyaasha Soomaaliyeed bartilmaameed u noqdeen kooxo arxan laa’wayaal ah oo gumaad ba’an ku haya Saxafiyiinta Soomaaliyeed,sanadkii hore ayaa gudaha Soomaaliya waxaa lagu dilay 18 wariya halka sanadkan bilowga ahne ay mareyso tirada wariyaasha la dilay 6 Wariye.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles