Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maalinta Madax-banaanida saxaafada adduunka oo Muqdisho laga xusay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad si weyn loosoo agaasimay taasoo lagu maamusayo xuska maalinta 3-da bisha May oo ku asteysan maalinta madax-bannaaniada saxaafada caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,munaasabada ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday golayaasha dowlada Soomaaliya,bahda saxaafada iyo marti sharafkale.

Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in golaha baarlamaanka Soomaaliya uu ahmiyad gaara siinayo ilaalinta xuquuqda wariyaasha Soomaaliyeed,taasine ay tahay waajib saaran gudiga uu madaxda ka yahay ee warfaafinta.

Xog-hayaha ururka saxafiyiinta qaranka Soomaalieed ee NUSOJ ayaa sharaxaad ka bixiyey dilalkii loo geystay wariyaal fara badan oo ka tirsanaa bahda warbaahinta Soomaaliya,wuxuuna  guul ku tilmaamay in qaar ka mid ah gacan ku dhiiglayaashii dilka u geystay wariyaasha Soomaaliyeed ay gacanta ku hayaan ciidamada amniga dowlada Soomaaliya,kuwaas oo qaarkood ay maxkamadi ku riday  xukun dil toogasho ah.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa ku tilmaamay beegsiga saxafiyiinta Soomaaliyeed mid la doonayo in lagu horjoogsado in Saxaafadu ay shacabka Soomaaliyeed u tabiso xaqiiqda dhabta ah,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire iney ka go’an tahay dowlada Soomaaliya iney sharciga horkeento kooxaha dilalka ku haya wariyaasha Soomaaliyeed.

Maalinta 3-da bisha May oo loo asteeyey maalinta Madax-bannaanida warbaahinta dunida ayaa sanad walba laga xusaa guud ahaan wadamada adduunka,dadka Soomaaliya ayaa safka hore kaga jira wadamada sida ba’an tacadiyada loogu geysto wariyaasha.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles