Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Soomaaliya oo dib ula wareegaysa maamulka Hawada Soomaaliya

$
0
0

 

Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney dadaal ugu jirto la wareegida maamulida Hawada Soomaaliya wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ku tagay wadanka Turkiga ayaa sheegay xili uu warfidiyeenada kula hadlayey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho in dowlada Soomaaliya ay waqti dhow dib ula wareegi doonto maamulka Hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay iney ku jiraan diyaar garowga ku aaddan sidii ay ula  wareegi lahaayeen maamulka Hawada Soomaaliya oo ay 19-kii sano ee ina dhaafay  maamulayeen hay’ado hoostaga Qaramada Midoobe oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

C/laahi Ciil-mooge Xirsi wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowlada dalka Turkigu ay gacan weyn ka siineyso sidii ay Soomaaliya usoo ceshan lahayd maamulka Hawada Soomaaliya”si aad dib ugu hanato maamulida  Hawada dalkaaga waxaa lagaa rabaa iney diyaar kuu yihiin qalabkii iyo dadkii xirfada  iyo aqoonta u lahaa maamulka Hawada,taasne waxaa gacan buuxda naga siinaya dalka Turkiga” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hada wixii ka danbeeya aysan dhici doonin in hay’ado ajaanib ah ay gurtaan Canshuuraha laga qaado diyaaradaha adeegsada Hawada Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in dowladu ay ku hawlan tahay soo nooleynta shirkadii duulimaadka Soomaaliya ( Somali Airline) oo uu sheegay iney ahayd astaanta qaranka Soomaaliyeed.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles