Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoomiyaha baarlamaaka oo ka warbixiyey safarkii uu ku tagay dalka Turkiga

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey Safarkii uu ku tagay wadanka Turkiga,Prof. Jawaari oo ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ay ugu soo dhaweeyeen masuuli ka tirsan labada gole ee dowlada ayaa sheegay inuu guul kusoo dhamaaday socdaalkii uu ku tagay wadanka Turkiga.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo  wariyaasha kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha  Muqdisho ayaa sheegay in safarka uu ku tagay dalka Turkiga uu ka danbeeyey kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaas,wuxuuna tilmaamay iney ka wada hadleen masuuliyiinta baarlamaanka dalkaas sidii ay wada shaqan dhow u yeelan lahaayeen labada baarlamaan.

“si fiican ayey noogu soo dhamaadeen wada hadaladii aan la yeelanay masuuliyiinta dalkaas gaar ahaan gudoonka baarlamaanka Turkiga oo aan isku afgaranay iney labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkigu yeeshaan wada shaqayn toos ah” ayuu yiri gudoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay iney dhawaan bilaabanayaa hirgalinta wada shaqaynta baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga,wuxuuna tibaaxay iney xiriir toos ah isla markaane joogto ah ay wada yeelan doonaan gudiyada joogtada ah ee baarlamaanada labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka ayaa dhanka kale tilmaamay inuu wada hadal lasoo yeeshay madaxda ugu saraysa dowlada dalka Turkiga oo ay ka wada hadleen arimaha dalka Soomaaliya iyo sidii uu Turkigu usii kordhin lahaa Taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Jawaari ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaa  iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas kuwaas oo deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah ka helay dowlada Turkiga.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles