Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo ka qaybgalaya shir madaxeedka wadamada urur goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya Magaalada Addis ababa ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeedin doona madaxda wadamada gobolka sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Injineer C/raxmaan Yariisow.
Injineer Yariisow ayaa sheegay in shirku uu magaalada Addis ababa si rasmi ah uga furmayo 10-ka barqanimo ee maanta,wuxuuna tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh oo qudbad u jeedin doono madaxda urur goboleedka IGAD taasoo uu kaga warbixinayo arimo dhowr ah oo la xiriira Soomaaliya.
Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynuhu uu madaxda urur goboleedka IGAD uga warbixin doono shirka 7-da May ka furmaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, wuxuuna intaa ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu sidoo kale ka hadli doono qorshaha xasilinta amniga dalka Soomaaliya.
Yariisow ayaa sheegay in madaxweynaha dalka uu si qota dheer uga hadli doono qorshaha dowlada federaalka ee ku aaddan hirgalinta maamulada dalka iyo dhisida maamul goboleedyada uu dalku yeelanayo ,dib u habaynta dastuurka dalka iyo xasilinta nabadda Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya oo hore u dalbatay qabashada shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa hordhigi doonto qorsho ay ku dooneyso in wax badan looga bedelo kaalintii IGAD ee arimaha xasilinta dalka iyo dhisida maamulada gobolada oo ay masuul ka ahaayeen wadamada IGAD.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney dooneyso in isbedel lagu sameeyo go’aankii hore ee IGAD u ogolaanayey iney maamusho maamul u samaynta gobolada dalka iyo qorshaha xasilinta Soomaaliya maadaama uu dalku ka baxay kumeelgaarnimadii,xiligane loo baahan yahay in arimahaasi loo madax banneeyo dowlada federaalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho