Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada oo sheegtay iney sugida amniga Muqdisho u diyaarisay ciidamo gaar ah oo si weyn u qalabeysan,dhawaane ka hawlgali doona wadooyinka Muqdisho

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dowladu ay diyaarisay ciidan uu u dhamaystiran yahay qalabkiisa iyo tababarkiisa kaasoo la wareegi doona sugida amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadaas oo ah kuwo boolis ah ay wax badan ka bedeli doonaan amniga Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweyaha dalka ayaa sheegay iney dowladu soo gabagabeysay tababarida iyo qalabeynta ciidamo gaar ah oo suga amniga magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in ciidankaasi ay ka duwan yihiin ciidamada kale ee dowlada wuxuuna tibaaxay  iney si weyn u qalabeysan yihiin.

Madaxweynaha ayaa daboolka ka qaaday in hubka ay ciidamadani ku qalabeysan yihiin uusan ahayn deeq dibadaha uga timi balse ay tahay hanti Soomaaliyeed,wuxuuna intaa ku daray iney muruq iyo maal dowladu galisay sidii loo heli lahaa ciidamo gaar ah oo hanan kara sugida nabadgalyada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowlada ay ka go’an tahay xaqiijinta nabadgalyada magaalada Muqdisho,wuxuuna sheegay in maalmaha soo aaddan ciidamadaas lagu arki doono wadooyinka magaalada Muqdisho iyaga oo gudanaya hawsha loo igmaday ee ah sugida nabadgalyada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay iney diyaarineyso ciidamo gaar ah oo sugi doona amniga Muqdisho,dowlada ayaa ahmiyadeeda koowaad ka dhigtay sugida amniga dalka,waxayna dadaal ugu jirtaa sidii ay dib u dhis ugu samayn lahayd ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles