NEW YORK(RBC Radio) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa isku raacay qorshe cusub oo ay ku taageerayaan dowlada Federaalka Soomaaliya,15-ka xubnood ee golaha ammaanka Qaramada Midoobe ayaa u codeeyey qorshe lagu taaageerayo dalka Soomaaliya kaasoo bilaabanaya 3-da bisha June soconna doona muddo 12 bilood ah waxaana saldhig u noqon doona qorshahaas oo lagu magacaabo UNSOM caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Si loo helo wada shaqayn dhab ah oo beesha caalamku ay u fidiso dowlada Federaalka Soomaaliya Goluhu wuxuu meel mariyey dhisida qorshan cusub,ayaa waxaa ka mid ah, in Qaramada Midoobe ay gudaha Soomaaliya ku yeelato Xafiisyo Shaqaynaya si ay u taageeraan nabadda iyo dib u heshiisiinta,Taageerida dowlada Soomaaliya iyo ka caawinta ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM dhinacyada talooyinka iyo hirgalinta nabadgalyada.
Qorshaha cusub ee Qaramada Midoobe ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah xoojinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya iyo sharciga dalka,la socodka iyo gacan ka geysashada ka hortagida waxyeeleynta ququuqda aadanaha dalka Soomaaliya.
Warka kasoo baxay Qaramada Midoobe ayaa waxaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya oo ay ragaadiyeen dagaalo iyo colaado joogta ah ay xiligan xaaladiisa ammaan ay soo hagaageyso,isla markaane dagaalamayaasha alshabaab laga saaray Muqdisho.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban-ki Moon ayaa 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ku raacay in isbedel lagu sameeyo qorshihii hore ee golaha ammaanka ee UNPOS kaasoo Qaramada Midoobe ay ku maamuleysay siyaasada Soomaaliya 15-kii sano ee ina dhaafay.
Qaraar kasoo baxay golaha ammaanka Q/M ayaa lagu yiri”waa inuu si dhaqso ah u shaqeeyaa qorshahaas,waana iney dhammaan shaqaalaha Q/M ay si dhow ula shaqeeyaan ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya,Qaraarka ayaa sidoo kale ergeyga cusub ee Q/M ku booriyey inuu wada shaqan dhow la yeesho dowlada Soomaaliya,urur goboleedka IGAD iyo hawlgalka midowga Afrika ee AMISOM”.
Go’aankaQaramada Midoobe ayaa muujinaya in golaha ammaanka ay ka go’an tahay iney taageero buuxda la garab istaagaan dowlada cusub ee Soomaaliya,dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsanaa in hadii shaqaalaha iyo xafiisyada Q/M aan loosoo rarin gudaha dalka Soomaaliya aysan wax badan ka qaban karin xaaladaha dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho