MUQDISHO (RBC) Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday warbixin ka hadleysa xaalada macluushii ka dhacday dalka Soomaaliya sanadkii 2011 taasoo la sheegay inay dishay dad gaaraya 260,000 ruux oo kala bar ay yihiin carruur da’doodu ka yar tahay shan sano.
Warbixintan oo ay si wadajir ah ay u soo bandhigeen xafiiska gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa waxay daaha ka qaaday xaalad naxdin leh oo ay geysatay abaartii darneyd ee dalka ku dhufatay sanadkii 2011 taasoo ay sheegeen inay ahayd midii ugu darneyd mudo lixdan sano ka badan.
Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in hay’adaha maanta warbixintan ku soo bandhigay magaalada Muqdisho ay sheegeen in ay jiri kartay wax laga qaban karay dhibaatada ay geysatay abaartaasi haddii la maqli lahaa dhawaaqyo digniin ah oo laga sameeyay hoos u dhaca cuntada ay dadka heysteen iyo dhibaatada soo fool lahayd.
Warbixintan oo ka kooban 87 bog ayaa sheegeysa in dadka dhintay guud ahaan ay gaarayaan 260,000 ruux oo Soomaali ah badankoodana ay ku dhinteen gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka oo ahaa meelihii ay abaartu sida daran u waxyeeleysay sanadkii 2011.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in mamnuucistii hay’adaha lagu soo rogay ee ay soo saareen kooxda Al Shabaab illaa 16 hay’adood ay ka mid ahayd sabaha horseeday in wax laga qaban waayo dhibaatada ku dhacday shacabka ay abaartu saameysay.
Xiriiriyaha gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya Phillipe Lazzirini oo maanta wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in wax laga walaaco ay tahay dhimshada heerkaas gaartay ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan carruurta. Wuxuuna Lazzirini sheegay in cashar laga bartay dhibaatadaas loona baahan yahay in laga hortago in wixii dhacay 2011 aysan markale soo laabanin.
Shirka jaraa’id waxaa kaloo ka hadashay haweeney lagu magacaabo Tamara Nanitashvili oo ka tirsan hay’adda FAO oo warbixinta wax ka diyaariday, waxayna sheegtay in ururinta xogta warbixinta lagu saleeyay 60% qiyaaso la sameeyay halka 40% lagu saleeyay daraasad cilmiyeysan oo ay sameeyeen ku hawlanayaasha gargaarka Soomaaliya. HALKAN KA AKHRI WARBIXINTA OO DHAN
Waxyaabaha ku jira warbixinta
- Gobollada ay baartu saameysay sida daran waa Bakool, Banadir, Baay, Gedo, Hiiraan, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe.
- Dadka dhintay waxay dhan yihiin 260,000 ruux oo ay dishay abaarta yo macluushii ka dhalatay.
- Kala bar dadka dhintay waa carruur da’dooda ay ka yar tahay shan sano jir taasoo ka dhigan in 130,000 carruur Soomaaliyeed ay u dhinteen gaajo iyo xannuuno ka dhashay.
- 18% carruurta dhimatay waxay ku noolaayeen gobollada labada Shabeelle 9Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose).
- Saddexda gobol ee ugu dhimashada badan waxay kala yihiin; Banaadir, Baay iyo Shabeellaha Hoose.
- Mudada ay dadkan dhinteen ayaa lagu sheegay inay ahayd intii u dhexeysay October 2010 to April 2012.
Inkastoo warbixintu ay soo baxday maanta oo Khamiis ah oo ky beegan 2-da bisha May ayaa haddana warbaahinta qaarkeed ay horey u faafuyeen warbixinta oo si weyn u soo bandhigtay heerka ay gaarsiisneyd dhibaatadii abaartii ku dhufatay dalka sanadkii 2011 taasoo gaartay illaa sanadkii ku xigay ee 2012. Waxayna noqoneysaa markii ugu horreysay oo warbixin xog faahfaahsan ka bixineysa dadkii ku dhiontay abaarihii dalka ka dhacay la soo bandhigo.
Si kastaba, ka sokow hay’adaha samafalka ee ajnabiga ah ayaa hadda waxay arrintan muujineysaa sida loogu baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee gude iyo dibadba ay iyaga leeyihiin masuuliyada dhubaatada dalka ka dhacda gaar ahaan carruurta tirada intaas la eg ee u dhintay cunto la’aan iyo xannuuno ka dhashay iyadoo weliba dhul beereed iyo kheyraad nooc walba leh uu dalku hodan ku yahay.
_______________________
W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio
Email; Cabdallemuumin2@gmail.com