Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Kulan looga hadlayo Sare u qaadida Tacliinta Haweenka oo garoowe ka Furmay (Sawirro).

$
0
0

 

Garoowe (RBC RADIO)  Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Waxbarashada ee Magaalada Garoowe ayaa looga hadlayay sare u qaadista Tacliinta Haweenka Puntland, sida in la baro Computerska  Diyaarinta Mashaariicaha iyo wax yaabo kale waxaana Barnaamijkan soo qaban qaabiyay Qayb ka mid ah Wasaarada Waxbarashada ee qaabilsan dhanka waxbarida hablaha.

 

Kulankan oo Furitaankiisa ay ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimaha Tababarka Macalimiinta iyo Mashaariicaha,ayaa Maxamed C/wahaab oo ah Agaasimaha Guud wuxuu xusay in wali ay hoosayso aqoonta Haweenka Soomaaliyeed sidaa darteedna xooga la saarayo In Dumarka laga taageero dhanka aqoonta si ay uga qayb noqdaan horka Caalamku uu ku talaabsaday ee dhanka Tacliinta.

 

“Warar badan baa iska jira oo la leeyahay wax baa la baadiyeeynayaa iyo dumarkii ayaa guryahooda laga soo saarayaa waxaan leeyahay arintaa si qaldan ayaa loo fasiray qorshaha Wasaarada maahan in la baadiyeeyo Dumarka oo lagu dhiiriyo in ay hogaanka Guriga ku qabsadaan Raga laakiin qorshaha yagu waxa weeye inaan Haweenka dhanka waxbarashada ka kaabno kor usoo qaadno himilooyinkooda oo ay ka qayb noqdaan dhanka waxbarashada, Talada Dalka,iyo Dhaqaalaha, ma harsan doonno ilaa aan hubsano in dumarka oo idl ay wax barteen meelna iska soo saari karaan, sidaana waxaa yiri Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland.

 

Kulankan oo socondoona mudo 5maalin ah ayaa Madaxda Wasaaradu waxay ka sheegeen  in uu jiro fursad waxbarasho oo dhanka Haweenka ah oo Wasaarada ay ka taakuleyn doonto Dowlada Englishka Barnaamijkaas oo 7ka soo socda lagu dhawaaqi doono,halka Mareykankana ay Wasaaradu ka fileyso in uu ka qayb qaato sare u qaadida Tayeynta Tacliinta Haweyn weynaha Reer Puntland sida Madaxda Wasaaradu ay xuseen.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles