Boosaaso[RBC Radio] Urur Siyaasadeedka Midnimo Puntland oo maanta Xafiiska uu ku leeyahay magaalada Boosaaso ku qabtay Shir wadatashi ah ayaa mar kale ku celiyey inaan Ururku marnaba qorshayaasha ugu jirin in uu ka qeybqaato Isqabqabsi iyo qalasaase Siyaasadeed oo khatar gelin kara Nabadgelyada Puntland.
Shirka Wadatashiga ah ee Ururku ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Ururka Dr Cabduqaadir Siciid Cali(Shiine),Xubnaha Gollaha dhexe iyo weliba Taageerayaasha Ururka.
Shirka ka dib,waxa uu Ururka Midnimo Puntland kasoo saaray Warsaxaaafadeed uu kaga hadlaayo arrimo badan,kaas oo Saxaafada u akhriyey Guddoomiye Kuxigeenka Ururka Dr Cabduqaadir Siciid Cali(Shiine),sidatan ayuuna u dhignaa Warsaxaafadeedku:
______________________________
Ujeedo: Warsaxaafadeed
Sidaan horay u cadaynayba, hannaanka xisbiyada badan ee Puntland laga dhaqangeliyey, wuxuu soo dhoweyn balaaran ka helay inta badan dadka reer Puntland. Ururka midnimo-na wuxuu ka mid yahay ururrada siyaasadeed ee loo dhisay ka qaybqaadashada hanaan siyaasadeed Dimoqraadi ah oo ku dhisan tartan xor iyo xalaal ah. Kuma jirto qorshayaasha ururka Midnimo inuu ka qaybqaato isqabqabsi iyo qalalaase siyaasadeed oo khatar gelin kara nabadgelyada guud iyo jiritaanka Puntland oo ka dhasha nidaam doorasho oo ay harayso musuqmaasuq iyo maamul aan laguwada kalsoonayn .
Ururka Midnimo wuxuu taageero baaxad leh ka helay dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland. Ururku wuxuu u taagan yahay inuu hirgeliyo himilada shacabka ee ah inay helaan hogaan ay soo doorteen isla markaasna iyagu la xisaabtami karaan markii ay doonaan. Doorashada noocaas ahi waa inay noqotaa mid xaq iyo xalaal ah, taasoo qancisa kan guuleysta, kan laga guuleysto iyo dhammaan shacabkaba, dalka iyo dadkana aan u horseedin nabadgelyo xumo iyo khilaaf siyaaseed oo ragaadiya horumarka Puntland. Hase yeeshee, waxaa jira caqado badan oo hor istaagi kara gaarista yoolkaas la wada hiigsanayo. Kuwaasoo ka imanaya habsami u raacista heshiisyada iyo xeerarka la ansixiyey iyo saamaynta (influence) dawladdu ku leedahay guddiga doorashooyinka Puntland iyo Maxkamadii dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd kilaafaadka doorashooyinka oo aan la dhisin ilaa hadda iyo iyadoon wali lakala xadeyn gobolada iyo dagmooyinkii hore iyo kuwii dambe. Arrimahaas awgood, waxaa Ururka Midnimo ku adkaatay inuu ka qayb galo doorashooyin sida ay hadda u muuqdaan hadaan wax laga badalin.
Mabaadiida Ururka Midnimo ee asaasiga ah waxaa kamid ah inuu ku shaqeeyo rabitaanka shacabka puntland, uusan maranaba gorgortan ka galin wixii dhib u keeni kara jiritaankooda, amnigooda iyo horumarkooda.
Ugu dambayntii, Ururuka Midnimo wuxuu mahad-naq ballaaran u soo jeedinayaa howl-wadeennadii iyo taageerayaashii Ururuka oo si firfircoon uga qayb-qaatay, muujiyayna dhabar-adayg xiligan adag ee aan ku jirno marxalada kala-guurka, waxaana laga yaabaa in caqabadu bataan madaama nidaamkani uu bilow ku yahay Puntland. Marwalba taladiina iyo taageeradiina ayaanu ku taaganahay kuna shaqayn doonaa. Xaalad kastana waxaan kaga gudbi karnaa iskaashi, dulqaad iyo midnimo. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa dhammaan dadweynaha reer Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, midnimada iyo xasiloonida waddanka.
Mahadsanidin.