Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Hargeysa (Raxanreeb)- Golaha guurtida Somaliland oo maanta soo xidhaayey kal fadhigoodii 49-aad ee uu goluhu yeesho.
Kal fadhiga maanta oo uu shir gudoominaayey gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu gudoomiyuhu kaga hadlay qudbad dheer oo taabanaysa dhinacyo badan arrimaha la xidhiidha xayiraad dhanka hubka ah ee Somaliya laga qaaday, dareeno la xidhiidha tabashoyinka beelaha galbeedka iyo arrimo kale.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlaayey go’aanka ay qaramada midoobay hubka kaga qaadaan Somaliya ayaa sheegay inay tahay arrin aan laga fiirsan, isla markaana aan la eegin dhibka ay keeni karto.
Md Saleebaan oo ka hadlaayey arrinta cunaqabtaynta hubka ayaa yidhi “aad iyo aad ayaan u cambaaraynaynaa go’aanka qaramada midoobey waxaan u aragnaa dhibaato iyo in mid aan laga fiirsan”
Sidoo kale gudoomiyaha golaha guurtida ayaa ka hadlay arrimo dhawaan ka dhacay dhanka gableedka Somaliland, halkaas oo ay iskaga horyimaadeen beelo ka mida beelaha somaliland wada dega, waxaanu sheegtay inay tahay arrin u taala guurtida, isla markaana ay dhawaan u saari doonaan guddi ka soot ala bixisa.
Gudoomiyaha golaha ayaa mudanayaasha ku war galiyey in maanta laga bilaabo goluhu uu fasax ahaan doono shan iyo afartan maalmood, halkaasna uu ku dhamaaday kal fadhigii 49-aad ee goluhu.
Si kastaba ha ahaatee hadalka gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ee ku aadan wax ka qabashada arrimaha galbeedka Somaliland ayaa ku soo beegmaya wakhti golaha lagu xamanaayo inay ka gaabiyeen doorkii ay hore uga ciyaari jireen xalinta khilaafaadka Somaliland oo ahaa bar bilawgii golaha guurtida dhidibada loogu taagay.
Raxanreeb-Hargeysa