Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Odayaasha dhaqanka Hawiye oo Soomaaliland ka Codsaday iney sii deyso Dhalinyaro kasoo Jeeda Gobolada Koonfureed oo ku Jira Xabsiyada Maamulkaas

$
0
0

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka codsaday maamulka Soomaaliland iney sii daayaan dhalinyaro kasoo jeeda gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya oo ku xiran xabsi ku yaala deegaanada maamulka Soomaaliland.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay masuuliyiinta maamulka Soomaaliland iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanadaas iney gacan ka geystaan sii deynta dhalinyaro kasoo jeeda gobolada Koonfureed oo uu sheegay iney muddo kaban 10 sano ku jiraan xabsi ku yaalla deegaanada maamulka Soomaaliland.

Max’ed Xasan Xaad ayaa dalbaday in dhalinyaradaas dib xoriyadooda loogu soo celiyo isla markaane laga sii daayo xabsiga ay mudada dheer ku jiree ,wuxuuna ugu baaqay waxgaradka iyo masuuliyiinta maamulka Soomaaliland iney tixgaliyaan codsiga odayaasha dhaqanka Hawiye ee ah sii deynta dhalinyarada uu sheegay iney u xiran yihiin Soomaaliland.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa dhanka kale Soomaaliland ku amaanay doorkii muuqday ee ay ka qaateen samatabixinta walaalhooda reer koonfureed abaartii 2011 ku dhufatay gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya xiligaas oo uu sheegay in Soomaaliland ay si weyn ugu soo gurmatay dadkii ay halakeysan abaartii ba’need ee ku dhufatay gobolada Koonfureed.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles