Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faahfaahin: Weerar Al Shabaab Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

$
0
0

Kismaayo (RBC) Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa weerar saaka lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasoo iska horimaad uu ku dhexmaray ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada iyo dagaalyahanada kooxda Al Shabaab oo weerarka soo qaaday.

Sida ay soo sheegayaan wariyaasha Raxanreeb dagaalka ayaa bilawday xilli barqanimadii maanta ah ka dib markii kooxda Al Shabaab ay weerar ka soo qaadeen deegaan lagu magacaabo Laheley oo jihada bari qiyaastii dhowr iyo toban kiilomitir u jirta magaalada.

Dadka ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya in rasaasta culus la maqlayey waqti ku dhow saacad iyadoo ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ee Kenya ay sameynayeen dhaqdhaqaaqyo ciisan oo magaalada si weyn looga dareemay.

Dhowr gantaal oo qoriga hoobiyaha ah ayaa la sheegay inay ku dheceen garoonka diyaaradaha inkastoo aysan beryahan diyaarado halkaasi ku soo degin.

Saraakiisha ciidamada halkaasi ku sugan iyo kuwa AMISOM wax war ah kama bixin dagaalka maanta.  Hase yeeshee afhayeenka maamulka ku-meelgaarka ee Kismaayo C/naasir Seerar ayaa shir jaraa’id oo uu saaka qabtay kaga hadlay haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa oo dooneysay inay isku qarxiso xarunta shirka Kismaayo uu ka socdo.

Dhanka kale ururka Al Shabaab ayaa warbaahinta ku hadasha afkooda ka sheegay in weerarka garoonka  Kismaayo ay ku qaadeen ay ku dileen xubno ka mid ah ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalka uu sabsbay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada dagaalamay, walow aaney suurtagal ahayn in tirada guud la ogaado.

Xaalada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa degan maanta.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles