Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta 1-da May ee shaqaalo weynaha adduunka,Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa ammaan ballaaran usoo jeediyey shaqaalaha Soomaaliyeed.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadka shaqaysta ay ka wanaagsan yihiin,kuwa Isbaarooyinka dhigta ee dadka dhibaateeya,kuwa dalka ka cararay ee maciin biday iney magansadaan xeryaha qaxootiga ee caalamka ku yaalla iyo kuwa tuugsada sida uu tilmaamay,wuxuuna ku dhiiri galiyey hawsha ay hayaan iney halkooda kasii wadaan.
Madaxweynaha dalka ayaa ugu baaqay dadka loo shaqeeyo iney dhowraan xuquuqda shaqaalaha u shaqeeya isla markaane ay isu dheeli tiraan shaqada ay qabtaan iyo mushaharaadka ay qaataan,wuxuuna ku celceliyey in loo baahan yahay in shaqaalaha Soomaaliyeed la dhiiri galiyo.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa qiray in dalka ay ka jirto shaqo la’aan baahsan iyo iyo sidoo kale in dadka shaqeeya xiligan aysan helin xuquuqdii dhabta ahayd ee ay lahaayeen,wuxuuna ballan qaaday in dowladu ay dadaal ugu jirto sidii ay shaqaaluhu uga bixi lahaayeen duruufaha adag ee ay xiligan ku jiraan,isagoona tilmaamay in dowladu ay hirgalin doonto shuruucdii shaqaalaha dalka lagu hagi lahaa.
Madaxweynaha ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 1-da May oo ku asteysan maalinta shaqaaalaha adduunka,wuxuuna u rajeeyey iney barwaaqo iyo baraare ku gaaraan sanadkan sanadkiisa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho