Garoowe (RBC RADIO) Xaalad Kacsanaan ah ayaa indhawaaleba ka jirtay Cayaaraha Kubada Cagta ee gobolka Nugaal kadib markii uu is qabqabsi iyo muran aan dhamaan uu ka dhax dhashay Maamulka Cayaaraha Gobolka iyo naadiyada ka dhisan Magaalooyinka uu Goboku ka kooban yahay Qaarkood, is qabqabsigan ayaa ah mid ay ciyaartoyda iyo tababarayaasha qaar ku dhaliileen Maamulka Cayaaraha in uusan la tashi la samayn naadiyada ka dhisan Gobolka, 4naadi oo heerka labaad ah uu kusoo daray Heerka Koobaan ee cayaaraha ,iyo amaro u badan caga juglayn uu Gudoomiyuhu Sameeyey intuu xilkan hayay.
Waxaa sidoo kale ay dhalinyaradan Raxan-Reeb u sheegeen in uu jiro weeraro lagu sooqaaday qaar ka mid ah Maamulada Naadiyaasha ka dhisan garoowe kuwaasi oo loo geystay jir dil iyagoo qoonsaday sida ay uga soo horjeedaan Habmaamulka Cayaaraha ee Gobolka Nugaal,Waxaana ay inoo xaqiijiyeen in ay dacwad u gudbiyeen maamulka Gobolka kan degmada iyo Wasiirka cayaaraha ayna sugayaan Jawaab looga soo celiyo Cabashadooda.
C/Risaaq Nuur Axmed (Halac) wuxuu dhawr jeer saxaafada ka sheegay in isbedel hormarineed uu kusoo kordhay cayaaraha Gobolka Nugaal intii uu xilkaasi la wareegay naayiyadii ay kubceen tartamo badan la qabtay oo Gobolka Gaar u ah Dhalinyaradii oo ku mashquulay cayaaraha kana mashquulay inta Xun dhiirigelin la siiyo Macalimiinta iyo Maamulayaasha Naadiyada iyo gancsatadi oo maalgashi ku bilaabay dhanka naadiyada isagoo meesha ka saaray in Gobolku uu hoos u dhac Dhanka Cayaaraha ah uu ka jiro iyo is qabqabsi intaba, wuxuuna ku baqay in dhalinyuaradu ay sharciga u hogaansamaan wax walbana uu sharciga kala saarayo oo aysan cidina cidkale ku xadgudbi Karin sida (Halac) hadalka u dhigay.
Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland C/wali Xirsi (Indha-Guran) oo raxan-Reeb Qadka telfoonka ugu waramayay lana weydiiyay wax yaabaha uu ka ogyahay Isqabqasiga Gobolka ka jira ee la xiriira Dhanka Cayaaraha wuxuu Xusay in arintaani uu ka warqabo Dhalinyaradana ay Berito ku balansanyihiin Xafiiskiisa si uu Cabashadooda u qiimeeyo Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in wax walba lagu dhameyndoono wada hadal wasaarada iyo Maamulka isboortiga Gobolkana ay u wada taaganyihiin qancinta dhalinyarada xiiseysa cayaaraha.
Wasiirku wuxuu sidoo kale wareysigaasi kaga faa’iideystay hambalyo uu u diray dhamaan Shaqaalaha Dowlada iyo kuwa Gaarka ahba taasoo la xiriirta maalinta Shaqaalaha aduunka oo Maanta ku beegan isagoo u rajeeyey in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan Baraare iyo Bash Bash, wuxuu sheegay Wasiirku in Shaqaalaha Guud ahaan looga baahanyahay dulqaad iyo shaqo hufnaan Xoogana ay saaraan u shaqaynta Qaranka iyo adkeynta amniga guud ee dalka.
Si kastaba dadka Saadaaliya Cayaaraha Gobolada ayaa sheegaya in Gobolka Nugaal dhawaanahan ay jirto sare u kac dhanka Cayaaraha kubada cagta ah oo ka jirta ayna soo bexeen hay’ado goobo ganacsi iyo shaqsiyaad magac ku leh Gobolka oo Lacag ku taageeraya Kooxaha ka dhisan Magaalada taasoo ah Fursad Hor leh oo ka faa’iideysi u baahan, waxay dhanka kale ku tilmaameen Qatar in Naadiyada ay si sharcidaro ah ukala qaataan laacibiinta intii uu dhib kale imanlahaana loo baahanyahay in sharci loo yeelo, waxay kaloo ugu baaqeen maamulka Gobolka Nugaal ee cayaaraha in uu dhageysto waxna ka qabto cabashada dhalinyarada si uu u yaraado muranka loogana faa’iideysto Hormarka uu Gobolku ku talaabsanayo marka la eego dhanka Cayaaraha.
Dib u eegis lagu sameeyey dhanka Sportska Puntland Waxay dad badan saadaaliyeen in uu ugu fiican yahay Gobolka Mudug oo Naadiyada iyo maamulka gobolkaasi ka jira aysan isqaqabsi dhex oolin sanad walbana ilaa 3 tartan lagu qabto magaalada gaalkacyo iyagoo Gobolada kale u rajeeyey in ay sare u qaadaan xirfadooda Sports si ay Guulo badan u gaaraan iyadoo dhawaan wasiirku uu sheegay in la qaban doono Cayaaraha Gobolada Puntland.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.